Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu Cumar Cabdirashiid ka yiri fashilka ku yimid shirkii Afisyoone?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cumar  Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa ka hadlay xaaladda kasii dareysa ee doorashooyinka dalka, kadib fashilka ku yimid shirkii ka socday Afisyoone.

Cumar Cabdirashiid oo haatan ka mid ah Senatorada Golaha Aqalka Sare ayaa sheegay in ujeedada laga leeyahay fashilinta wada-hadallada doorashooyinka dalka ee 2021 ay tahay muddo kororsi la doonayo in loo sameeyo hay’adaha dowladda, sida uu hadalka u dhigay.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka oo hadalkiisa sii wata ayaa ka digay in muddo kordhin hor leh la sameeyo, iyada oo aysan jirin heshiis siyaasadeed oo taageerayo.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray, haddii la qaado wadadaasi, iyada oo la’iska indho-tirayo xaaladda adag ee jirta ay keeni karto xasillooni darro iyo kala qeybsanaan.

“Ujeedada laga leeyahay in la carqaladeeyo wadahadalada su ay u burburaan waa  kordhinta waqtiga hay’adaha dowladda, iyada oo uusan jirin heshiis siyaasadeed oo taageeraya, waxayna kaliya halis ugu jirtaa inay keento xasillooni darro iyo kala qaybsanaan,” Senator Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke oo ka tirsan Aqalka Sare.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ay ku kala kaceen wada-hadalladii gogol xaarka ee ka socday Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho, kadib markii la’isku fahmi waayey ajandaha shirka guud ee arrimaha doorashooyinka dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this