Sign in to follow this  
Deeq A.

Askar ka tirsan ciidanka DF oo lagu dilay weerar ka dhacay SH/DHEXE

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal xoogan oo u dhexeeyey ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelah Dhexe ee HirShabelle.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu yimid, kadib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada Xoogga dalka ay ku leeyihiin duleedka degmada Mahaaday, gaar ahaan deegaanka Buurane, waxaana xigay iska hor imaad foolka fool ah.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in dagaalkaasi ciidamada milatariga Soomaaliya looga dilay ugu yaraan illaa 2 askari, laguna dhaawacay tiro kale.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in weerarka, kadib dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ay muddo kooban la wareegay gacan ku heynta koontaroolka uu dagaalka ka dhacay, iyaga oo markii dambe dib u gurtay, waxaana ku laabtay ciidamada dowladda.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada Xoogga iyo maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay.

Xaaladda ayaa haatan deggan, hayeeshee ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa dhaaq-dhaqaaqyo ka bilaabay gudaha iyo nawaaxiga degmada Mahadaay ee gobolkaasi.

Muddooyinkii u dambeeyey dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa xoojiyey weerarada ay ka fuliyaan Shabeelooyinka, waxaana ugu dambeeyey dagaalladii lagu hoobta ee dhowaan ka dhacay degaanada Bariire iyo Awdheegle oo ka wada tirsan gobolka Sh/Hoose.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this