Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo Villa Somalia Ku Dhameystay Labo Bil oo Aanu Heysan Sharciyad Dastuuri Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa labo bil u buuxsantay maanta iyada oo aanu sharciyad dastuuri ah ku joogin madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia.

Farmaajo ayaa waxaa muddo xileedkiisa dastuuriga ah ku ekaa February 8, 2021-kii, waxaana haatan laga joogaa labo bil.

Inkasta oo 60 cisho kadib muddo xileedkiisa uu weli ku sugan yahay Villada hadana waxaa uu ku guuldareystay inuu la yimaado qorshe doorasho, mana muuqato ififaalo arrintan la xiriirta.

Arrimahan ayaa kusoo aadaya xilli Arbacii lagu kala tagay shirkii horudhaca ahaa ee Afisyooni ee saddex maalin halkaasi uga socday madaxda dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada.

Shirkan oo ay dowladda federaalka ah dhankeeda ka baxday, waa markii 2-aad ee Farmaajo uu shir ka baxo labadii bil ee lasoo dhaafay, iyada oo uu horay uga soo cararay Dhuusamareeb 4 horraantii February.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this