Sign in to follow this  
mangalool

WAA MAAN BILAN IYO MAAN BARE..(sheeko gaaban)

Recommended Posts

asalaamu caleykum dhamaantiinba.

waa mar labaad iyo sheeko gaaban.

DHalinyarooy beribaa waxaa jire ,nin boqora boqorkaas waxaa uu ahaa nin aad iyo aad u naxariis badan, cadaalina ah, una wanaagsan xaga shaqaalihiisa, waxaana u shaqayn jirey boqorkaas nin bide ah(ciidan--midiidin-shaqaale) ninkaas waxaa la odhan jirey BARE, waxaa kale oo uu boqorku lahaa inan uu aad u jeclaa , ahaydna curadiisa, waxaana la odhan jirey BILLAN.

boqorku wuxuu si siman oo aan kala sarayn lahayn uula dhaqmi jirey shaqaalihiisa iyo reerkiisa ,ama caaa,iladiisa (eheladiisa).

maalin maal maha kamida yaa ninkii bidaha aha (shaqaalaha) wuxuu is tusay inuuba reerka kamid yahay, waxaana ay la ahaatay inuu boqorka gabadhiisa weydiisto.....burkaba bahal kamuu filan wuuna ilaawey inuu shaqaalihii reerka ahaa... BARE isla markiiba wuxuu arintii uban dhigay boqorkii oo weliba u bal balaadhiyey arintii, boqorkiina kamaba uu waaline wuxuu kuyidhi, baroow waa hadal wanaagsan ee bal aan Bilana arko oo afti ka qaado.

maalintii maalin ku xigtey ayey BILAN oo ahayd ina boqor, waa gabadhii uu ninka shaqaalaha ahi doonaye, aabahaheed ku tidhi aabe waxaan doonayaa inaad BARE ii iibiso si aan dahab u siisto...kala maan...boqorkiibaa intuu cabaar aamusay yaabayna oo yidhi BARENA shalay bay ahayd markuu gabadha ku weydiisanayey BILANA maantay leedahay BARE hala ii iibiyo aan dahab siistee.

odaygii intuu yaabay ayuu yidhi siday gabadhiisu jawaabkale uuga sugaysey waa MAAN BILAN IYO MAAN BARE.....waxaan xusuustay maah maahdii ahayd baqal fardo lamiratay dhigooday ismoodey.

hadaba sheeko kasta ama hadalkastaaba wuxuu leeyahay duluc ama ujeedo ka dambaysa ,hadaba waxaan jeclaan lahaa inaynu isla eegno ujeedada ama bal dhinaca uugu badan ee sheekadani taabanayso....inkastoo layidhi hadal waa mergi hadana bal halkeebaa uugu dhow sheekadan oo dulucdeedu taabanaysaa???..

wabilaahi towfiiiq..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saaxiib aad baan ula dhacay Sheekadaada waxaana kuleeyahay Mahadsanid saaxiib sida aad inoola qeybsatay Sheekada.

Gacmo furana baan kugu soo dhoweynayaa maadaama aad tahay nin ku cusub reerahan looyaqaan NOMADS,

saaxiib waxba hais martiyeene gogosha dhankaaga kaga soo fariiso oo sheekada inoo wad.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ladiif   

Mangaloolow, horta sheegadan waan ladhacay wayna ideeqday balse waxaan rajenayey inaad biyo dhaceeda nataabsiisid laakiin su'aal bayba noqotay oo waxaad naggagga dhigtay haydinku taagnaato. Sheekada waan akhriyey, waana fahmay, waana qaadaa dhigay mar iyo labo balse maxay kutaal biyo dhicii waanku soo bixi la ahay.Run ahaantii wax yaalo badan ayaa maskaxdayda kusoo dhacay, mar waxaan idhaa mar reero qurbo ayuu uduur xulayaa mar labaad waxyaalo kale oo kala gadisan balse waxaan istusay inaan meel cidla ah toobin kuhayow marka waxaan sugaaba waa adi iyo murtilayda sol!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

asalaamu caleykum dhamaantiinba.

LATIIFA horta salaan, thanks jawaabtaadiina waaban hayaa, inkastoon afeeftay oo aan aniguba sugayey jawaabta, hadana nin horaa yidhi==nina uumaan dhoweyne cidlaan dhaabay warankaa dheg kamaqal ha joogtee ninkii dhiidhiyaa qaba==.

ama qolada qurbuhu ha isa saaraan sheekada ama anigaba haygu soo guryo noqoto oo aan noqdo nin laf toobin kuhaye,.

ma is tidhi waa falaadhaa cirkaa loo tuuray nin waloowba filo?.

hadal iyo gun bal aynu eegno cida ubaxda.

:D wabilaahi towfiiiq :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

You revived this dead thread to just say "ok sxb"?. Allaa maxay kaa dhamaatay! icon_razz.gif

 

Originally posted by mangalool: hadana nin horaa yidhi==nina uumaan dhoweyne cidlaan dhaabay warankaa dheg kamaqal ha joogtee ninkii dhiidhiyaa qaba==.

L0L :D . Illaahoow hadaan fahmay dhub isii.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

Believe it or not Bishaaro and I know it may sound cliché but 'IT WASN'T ME' who posted it and I would like to know who did it because I live alone and I only log in from home...I guess ciyaar ciyaartii ayaa la igu bilaabay AGAIN. :mad:

 

You know waxaan qabaa dad iga daba shaqeeyo oo iska jecel iney hack gareeyaan my e-mail account, my sol ID and so on and so forth which is funny really because bal maxey iga rabaan aniga of all people! :D

 

 

PS. I don't even have a clue waxuu ka hadlaayo iyo meeshee usocoto iyo meeshee ka socoto 'Sheekadan Gaaban'.

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Si fiican baan u fahmay wuxuu ka hadlaayo lakin dee maxay kaaga taalaa 5 sano iyo dheeraad baa ka soo wareegtay oo ma filayo inuu arinkan weli war ka taagan yahay ........... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this