Sign in to follow this  
delpiero

mah maaho somali ah

Recommended Posts

delpiero   

A *Aan wada hadallo waa aan heshiino.

*abaal raaga rag baa leh.

*adoo hadhsan waayay ma laguu hadh galay.

*ama afeef hore lahaw ama adkaysi danbe lahaw.

*af wax cunay xishoo.

B

*Baahi nin kuu daran bay kuu gaysaa.

*Baryo badan iyo bukaan badan waa laysku nacaa.

*Beeni raad ma leh.

T

*Talo adigaa ku nool ee iyadu kuguma noola.

*Tuug tuug buu ku moodaa.

*Talo nin kuma filna labana ku heshiin weydey.

J

*Jidhkii la hayo jiriid kama qoslo.

X

*Xabaalo qode xabaashiisaa la qodaa.

*Xaasid ma aflaxo

*Xoog haddad weydey xeel ma weydey.

D

*Dab iyo dawlad lama agjoogsado.

*Dantaada maqaar ey baa loogu seexdaa.

*Dani xishood ma leh.

*Dani kaa adag.

*Damac badane dariiquu ku dhintaa.

R

*Rabi talo ku filan.

* Run iyo roob lagama raysto.

*Runtii sheege waa rabbi kayaabe.

*Rag naagaa is-dhaafiyay.

S

*Saddex layiskuma daro:

1-bidaar iyo timo 2-been iyo dhaar 3-baryo iyo kibir.

*Sirtaada naag looma sheego.

*Suul faro ka gaaban.

SH

*Shinbirba shinbirkiisuu la duulaa.

DH

*Dhul iyo wax la dhalay baa loo marti yahay.

*Dhumasho dhabarku mooqdaa dhumasho ma aha.

 

C

*Calool dharagtay cagli ma leh.

*Calaf waa intii calool gasha.

* Calool adayg waa ilaah wahelkii.

G

*Gacmo wada jir bay wax ku gooyaan.

F

*Fulay hooyadii ma goblanto.

*Faras iyo nin fuushan isma qalbi oga.

*Far bugtaa faraha ka dheer.

Q

*Quruxi af bay ku taal.

*Qoor dheeri madax ma dhaafto.

*Qofkii soo joog laga waayo,soo jiifsaa laga helaa.

K

*Kaadii badne waa loo gogol badshaa.

L

*Lugtu hadday jeeniga dhafto way jabtaa.

*Lafba lafta xigtaa lagu kabaa.

M

*Ma wacna wax aan qalanoo mindiyahana qarsano.

*Miskiin baa misko la fuule leh.

N

*Naago ninkay legdaan kama kacaan.

*Nin gaaban eraygii gaaban.

*Nin qoyani biyo iskama dhowrow.

W

*Waxaad qarsataa waa ku qarsadaa.

*Waxaad qabto ninkii qabaa lala degaa.

H

*Hadal waa ama dheh ama dhagaysoo.

*Hada intuu uurkaaga ku jiro ammaan kuu yahay.

*Hadba sida loo jabaa loo dhitiyaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
mojam   

beatiful:

 

i like the following:

 

Xabaalo qode xabaashiisaa la qodaa.

 

Saddex layiskuma daro:

1-bidaar iyo timo 2-been iyo dhaar 3-baryo iyo kibir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this