Sign in to follow this  
Ibtisam

Troll, Shah and Sheeko

Recommended Posts

Chimera   

Random Fact: I used to chase this beauty XaLimo_XaaQo on s-life so hard, she was mesmerising, but i think she lived in some Scandinavian country + not single.

 

She only had to snap her fingers and i would have kissed her feet, that is how the Xalimocracy used to send young Bladmen to war.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Waxba yaan mushahar gaar ihiyo giniyo la isiine

Waxba yaan adaa guusha leh iyo geesi la i odhane

Waxba yaan gawaadhiyo cad iyo guryo la isiine

Waxb yaan nin gob ah baad tihiyo gobosta la i hayne

Waxba yaan iskuuladiyo geerash la i odhane

Waxba yaan go'yaal shaal ahiyo gudubyo la isiin e

Waxba yaan anoo gaajo qaba gorofyo la isiine

Waxba yaanada gabay i bartee goodi la i odhane

Waxba yaan gamaan farasiyo geela la i siine

Waxba yaan gabdhaha ta ugu wacan guurso la i odhane

Waxba yaan galeey iyo hadhuudh gooso la i odhane

 

Caruurtaad guryaha kala baxdaan goor habeenimo e

Sidii geeridiyo mawdkii baad noo gu tirisaane

Waaba gowrac suge ruux haddu joogo gobolkaasi

Gumaadkiyo xasuuqiyo kufsiga kama gabowdaane

Gababo ku oodka in badan gooha u oloshaaye

Gacan dhaafku waa caadadiin goor iyo ayaane

Madfac iyo hubkaad nagu gantuu galowgu ooyaaye

Adaa guri balaayada ka dhigay goboladaydiiye

Gudgudaha cirkoo hooray baad oon na gaalisaane

Gucundhiyo masbaad igu tihiin guriga ii yaale

Aduunyada cirka u guurtay baad na garbo duubteene

Adaa godo dhurwaa galiyo igu riday meel yaaxso gala e

Gaajiyo adaa siday xanuun aan la garanayne

Gujuf iyo gubtaanyaad tihiin waa na soo galay e

 

....

 

web page

Share this post


Link to post
Share on other sites

Galgalatay niyow halkan kuma geleysaane

Galadaadii orod u tag yaa lagaa gurane

Gobta SOL baa la yidhaa gocasho miirtaaye

Aroorahaa galay aadmiga orod ka soo gooso ... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Inan aan facebook ka jeclaaday baan ku idhi:

 

 

Adigoon online noqon,

oon ereyga soo qorin,

lol-na iigusii ladhin,

miyaan eega seexdaa,

inan yahay daraadaa,

comentkii aad bixisaan,

akhriyaa had iyo jeer,

inta kugu tuftaan badi,

uurka aan ka neceboo,

ADD ninkii ad sii saan,

ka gubtaa udgooneey,

mar marbaan idhaahdaa,

ubax wada guduudito,

sawir aad u qurux badan,

yaa ...u TAG-gareeyoo,

WALL-keeda ugu naba

 

 

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

^ :D:D

 

Waatuu lahaa ,,,

 

* Kaamiloow kawlaan baan ku fari koriyo hoos dheh

* Koorreey haddaad gaadho iyo kadinka geeleena

* Kambalkiyo duleedkaan rabaa inaad ku sheegtaaye

* Koowkow u tiri hadalladaan kugu karaameeyay

 

 

 

* Taariikhdan soo korodhay baan koobi leeyahaye

* Kansho malaha adduunyaduna waa kadis ku noolow e

* Kiiskii horaan iga dhammaan lays karkabadeeye

* Kor madoow hamoodina inuu uunku kaa xigo e

* Kufaar waa kufaar uun haddana kii cad baa naxa dheh

* Mindiyaha kureed lagu lisaan nidhi na kaalmee dheh

* Kadeed iyo dhib baana dilay dadkii Kenya soo galay dheh

 

 

 

* Kadarna waan ka laadlaadsanahay koriyo buur dheere

* Karkaarkay na waydaariyeen kaalinkii dhexe dheh

* Dadkuna waa nakuufiyo suge, iyo koor wad baw sudhan dheh

* Kibir iyo ciyaar lalama tago meel kiyoosa ah dheh

* Naf kadeedan baa lagu qashaa kaymo bahaleede

* Kalaajiin waxay nagu qasbeen kuudud waaqlada dheh

* Kuman jeelkii baa lagu dhex dilay aan kirna lays odhan dheh

* Kumana waa maxaabiis walina, koodhkii may iman dheh

* Kumana waa haboow uu dugaag duur ku haaligay dheh

* Kumana Dhuudhi baa kaday lugaha oo dhex kuududa dheh

 

 

 

* Boqolkiiba kontan bay dishaa mici Kaneecaad dheh

* Kumanyaalka soo hadhayna xeryahay kololo'eeyaan dheh

* Dumarkiina karreeb dhoofidaa lagu kaxeeyaa dheh

* Kurkaa laga jaraa aabbe nooloo kaynta yuurura dheh

* Labadii is kaalmayn lahayd waayahaa kulul dheh

* Kuurkuursi baa lagu jiraa kuudud bahaleed dheh

* Korkaygana cadhaa lagu salliday kuudud nabareed dheh

* Kaadidana ma celiyaan kelyaha kaydii dabac dheh

* Cudur kama kacaan Aidsna waa laga kurboodaa dheh

* Kariimka waxaannu barinnaa inaan kaasi noo iman dheh

 

 

 

* Karaamadii uu Soomaal lahaa kaadh xun baa gubay dheh

* Dad kalsooni waayey baannahayoo weewe loo kaday dheh

* Kal geeddi baan nahay kolkii waagu kaaho dheh

* Waana nala karbaashaa ulay nagu kaxeeyaan dheh

* Karinna waannu leenahay sidii awr kidhaalaha dheh

* Ninkii koob maharako ah helaa ayaa kiishka buuxsaday dheh

* Kayd waxaannu haynaa cuntada kaabash baa jira dheh

* Kolkol baannu labaleey qadnaa keena madhanleey dheh

 

 

 

* Kuukaayadiina way kacday oo laysku kululaa dheh

* Kurka inaaba faas la isku jaro yey kaabiguu timid dheh

* Nimaam lacagta Kenya lahayn kadinka loo diid dheh

* Kuuja iyo leetta iyo keen kaydkii raamsade dheh

* Jeebkaygu kolay buu u yahay kaydiyaa lacag dheh

* Korkaygaa xafiis looga furay kaambaluushaha dheh

* Kastamkoodu waa boobe iyo kiis la daydayo dheh

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juxa   

Originally posted by Jacaylbaro:

 

mar marbaan idhaahdaa,

ubax wada guduudito,

sawir aad u qurux badan,

yaa ...u TAG-gareeyoo,

WALL-keeda ugu naba

 

 

:D

:D:D you need a break from online communityga, fakeeshin dheer ka qaado

 

salaam aleykum all, not enough hours in the day i just want to be at home. period

Share this post


Link to post
Share on other sites
Guest
This topic is now closed to further replies.
Sign in to follow this