Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Even Kacaanka didn't behave like this

Recommended Posts

These wannabe dictators xad malaha. Their little power ayee moodeen inay meel weyn gaarsiineyso.

Maxakamadda Ciidamada Puntland oo xukun ku riday wariye ay caddeyn u weysay

Maxkamadda ciidamada qalabka-sida ee maamul goboleedka Puntland ayaa maanta xukun ku riday wariye Kilwa Aadan Faarax oo muddo u xirnaa laamaha ammaanka maamulkaas.

28-kii Diseembar sanadkii hore ayaa wariyaha la xiray, waxaana lagu xakumay saddex bilood oo xarig ah iyadoo maxkamaddu ay sheegtay in la waayay wax caddeynaya dambiyada lagu soo eedeeyay.

Wariyahaan waxaa lagu soo eedeeyay inuu duubay muuqaal ku saabsan sawirka madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo la jeex-jeexayo.

Sida la sheegay xukunkii ay maxkamadda ku riday ee saddexda bilood waxaa kaga haray kaliya saddex maalmood maadaama tirinta maalmaha laga soo bilaabayo maalintii la xiray.

Maxkamadaynta wariyaha waxaa goob joog ka ahaa Maxda Ururka Warbaahinta Puntland, Gudoomiyaha Xuququl Aadanaha Puntland iyo qaar ka mid ah Wariyeyaasha ka howl gala Garoowe, waxeyna ka dhacday Xabsiga dhexe ee magaalada Garoowe.

Dhawaan ayey aheyd markii madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni uu sheegay in wariyaha uu yahay dambiile, isla markaana maxkamadda ay xukun kasoo saari doonto.

Wariyaha wuxuu baahiyay muuqaalka dad ka banaanbaxayay sicir barar ka dhacay Garoowe oo ka tirsan gobolka Nugaal.

Xigasho

  • Thanks 1

Share this post


Link to post
Share on other sites
5 hours ago, Miskiin-Macruuf-Aqiyaar said:

Wariyahaan waxaa lagu soo eedeeyay inuu duubay muuqaal ku saabsan sawirka madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdulla

Next stop for this fella will be a North Korea style regime all for himself.  

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

"Maxakamadda Ciidamada Puntland" for more 20 years, putland does not have independent civilian courts, nor any of maamul gobeleed have  any courts. This is what they want preserve and see farmaajo destroying. What Trump said about Somalia is true. You can not simply claim things that does not exist. A clan leader is just a clan leader even if the area he controls is big enough. He and others similar to him are just another version of Moqdisho warlords.

  • Like 1

Share this post


Link to post
Share on other sites
9 hours ago, Duufaan said:

"Maxakamadda Ciidamada Puntland" for more 20 years, putland does not have independent civilian courts, nor any of maamul gobeleed have  any courts. This is what they want preserve and see farmaajo destroying. What Trump said about Somalia is true. You can not simply claim things that does not exist. A clan leader is just a clan leader even if the area he controls is big enough. He and others similar to him are just another version of Moqdisho warlords.

Dad miirka ka dhintay ayaa saan iska rabo, for every tuulo to have its own 'madaxweyne' aanan sharci iyo waxba kala aqoonin. A so-called 'madaxweyne' that can sell the national ports, airspace, the land and have a 'national' qabiil army. Waa yaab. Federaalka micnahiisa ayeeba fahmin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Dawlad oo dhan baynaba fahansaneeyn Somali. We have never understood statehood.

Dna ceelasha iyo geela lagu dagaalamayey baa weli ku qifulan.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maseerkii baa biloowday kkkkkk

Dani iyo Muuse waaba gartood oo wadanka waligood kama bixin oo waxaa la orankaraa xoroyatul qawlka waxa uu yahay sifiican umayaqaanaan, maxaad ku fasirikarttin ninka Farmaajo aad la dhacsantihiin oo 40ka sano joogay Maraykanka oo wariyaasha, siyaasiyiiynta iyo cid walba oo kasoo horjeeda xirayay iyagoo wax eed ah aan lagu soo oogin?

Kabadaran oo waxa uu dhiibay muwaadin wadanka kale isagoo marin wax maxkamad ah ama process ah? Kabadaran oo waa isagii xabad noolnool liqsiiyay mudaharaad nabdoon oo ilaa iyo hada laga baryayo?

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.