Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda ICJ Oo Shaacisay Waqtiga ay Bilaabmeyso Dhageysiga Dacwadda Badda Soomaaliya iyo Kenya.

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda ICJ waxay ay goordhaw  ku dhawaaqday in dhegeysiga dacwadda Soomaaliya ee ka dhanka ah Kenya ee Badda labada dal uu billaaban doono Isniinta 15-ka bishaan Maarso, 3-da galabnimo wakhtiga Hague, Kuna beegan 5-ta galabnimo wakhtiga Soomaaliya.

Maxkamadda ayaa sidoo kale ay shegtay in dhageysiga dacwadda lagu baahin doono barta Internetka ee Maxakamadda oo toos u sii deyn doonta iyo TV-ga Internetka ee Qarammada Midoobay.

ICJ waxay sheegtay oo kale in xanuunka Covid darteed dhegeysiga dacwaddu uu isugu jiri doono online iyo goobjoog ah.

Xubnaha Maxkamadda qaar ayaa soo xaadiri doona, qaar kalena video online ah ayay uga qeyb geli doonaan.

Ergooyinka labada dalna waxay ahaan doonan ku isugu jira Online iyo goobjoogayaal.

Maxkamaddu waxaa ay intaa ku dartay in ka hor xilligaa inta aan la gaarin ay shaacin doonto Jadwalka dacwadda oo faahfaahsan.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this