Sign in to follow this  
Deeq A.

Weriye Jamaal Faarax Aaden oo lagu dilay Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   
Jamaal.jpg?resize=517%2C517&ssl=1Marxuum Jamaal Faarax

Weriye Jamaal Faarax Aaden oo ka tirsanaa Suxufiyiinta Puntland, ayaa Caawa lagu dilay waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Dabley hubaysan ayaa marxuumka ku toogtay meherad uu ku lahaa xaafadda Siinaay ee waqooyiga Gaalkacyo, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Booliiska Gobolka Mudug.

Sidoo kale, waxa Rasaasta ku dhaawacmay nin kale oo marxuumka la joogay, kaas oo haatan lagu dabiibayo isbitaalka magaalada Gaalkacyo.

Dableydii weerarka fuliyay ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana hadda socda hawlgal Laamaha Amnigu ku baadi-goobayaan dableydaas.

PUNTLAND POST

The post Weriye Jamaal Faarax Aaden oo lagu dilay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this