Sign in to follow this  
Deeq A.

WAXA AY U MUUQATAA IN LA RABO IN SIYAASADA DALKA KOOTO LOOGU XIDHO

Recommended Posts

Deeq A.   

DhinbiilMohamed.jpg

WAXA AY U MUUQATAA IN LA RABO IN SIYAASADA DALKA KOOTO LOOGU XIDHO SADEXDA XISBI QARAN EE HADA JOOGA , NIDAAMKA DIMUQARADIYADEED EE SOMALILAND IYO SHURUUCDA DALKUNA MA OGOLA !!!

Hadii sharciga iyo xeerarka dalku inaga noqdaan in lagu jaangooyo hadba inta umada ugu tunka weyn ama fursada saaxada siyaasadeed heshay iyo darmo wadaagta siyaasadeed ee hadda joogta , sharcigaasi sharci ma noqonayo ee waxa uu noqonayaa mid la jiifiyaana banaan la joojiyaana banaan laga dhigtay .

Haddaba sida ay baryahaaba muuqatay waxa kaalintii siyaasadeed ee dalka ku kaliyeystay sadexda xisbi qaran ee jamhuuriyada Somaliland oo iyagana xiligoogii yahay mid sii dhamaanaya oo mudo koobani u hadhay, iyo dalkii oo u baahan dardar iyo isbadel mug leh oo cusub iyo dadka jamhuuriyada Somaliland intii aan ku qanacsanayn xisbiyada oo sugaysa in ururadii siyaasada loo furo.

Waxaa laga maarmaan ah in xuquuqda siyaasadeed ee muwaadiniinta aan sadexda xisbi qaran ku qancin oo dastuurka iyo xeerarka ka farcamaa si cad u qeexeen, gaar ahaan qodobada 22naad iyo 23naad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland iyo Xeer No 14 , oo ah xeerka ururada iyo axsaabta in la difaaco si aanay meesha uga bixin ama aan loo dhayalsan.

Nidaamka siyaasadeed iyo hogaamineed ee Somaliland waxa uu soo gaadhay xili uu u eeg yahay mid istaagaya oo u baahan nooleyn iyo rajo abuur cusub, maadaama ay siyaasada Somaliland soddon sano hal koox ay haysatay oo iskuwada aragti ah oo aan wax badan ku kala duwanayn , waa sababta ugu weyn ee wax badani aanay xaga maamulka dawladnimada isaga badelin ee dadka uuni ay isbadelaan.

Hadii dadku u arkaan maanta sida ka muuqata in aan la helayn isbadelada marwalba codka lagaga ololeysto, waxa ay gaadheen heer ay ka niyad jabsan yihiin doorasho oo dhan taasi oo ay sababtay markii goleyaashii iyo hay’adihii dawlada in koobani xidhatay, loona arko in ay u shuraakoobeen danta mansabyada qaranka oo maanta uu golihii wakiilada 2005 la doortay ee mudo xileedkiisu ahaa 5 sano uu fadhiyo ilaa 2021 , sidoo kale golihii guurtida ee 1997 la doortay oo mudo xileedkiisu ahaa 6 sanadood uu ilaa 2021 fadhiyo.

Sidoo kale goleyaasha deegaanka dalka oo 2012 la doortay mudo xileedkooguna uu ahaa 5 sanadood ayaa fadhiya ilaa 2021 , waxa la mudeeyey in doorashada goleyaasha wakiilada iyo deegaanku qabsoonto 31/05/2021, halkani waxa isweydiin leh qaabka loo furi doono ururadii siyaasada waxa laga yeeli doono marka xisbiyada mudadoodu dhamaato iwm , dhacdooyinkani hadii ay sii jiraan waxa sii badanaya niyad jabka dadka ee nidaamka dawladnimo, kaasi oo abuuri kara dib u dhac weyn .

Dhawaan bay ahayd in ajandaha Golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland aan ku arkayey in Xeer Lr 14 oo ah xeerka ururada iyo axsaabta uu ku jiro , waxaana isweydiin leh xeerkaasi waxa xiligani keenay iyo ujeedada uu ajendaha golaha ugu jiro ?

Iyada oo loo diyaar garoobayo in muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland isku habeeyaan ururo siyaasadeed oo la tartama axsaabta siyaasada ee hada joogta oo xiligoodii dhamaad yahay , hadii ay noqoto in xeerkaasi la damco in laga saaro in 10 sanadood ba mar ururada la furo waxa ay noqonaysaa in la laalay Xuquuq siyaasadeed oo ay muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland lahaayeen waxaana ka dhalan karta cawaaqib xumo qaranka wax yeelo u geysan karta .

Waxa intaasi dheer in axsaabta siyaasada jamhuuriyada Somaliland iyo nidaamka dimuqaradiyadeed loo qaatay in dadka jamhuuriyada Somaliland kaga guuraan habka beelaha oo loo guuro nidaam afkaar iyo aragti la isku bahaysto oo noqda mid mustaqbal wanaagsan iyo horumar u horseeda dalka jamhuuriyada Somaliland , mana muuqato maanta.

Markaa hadii aad is leedahay shaqadaada yar ilaasho, dukaankaaga yar iska hayso, bakhaarkaaga ku koobnow, hudheelka iska hayso, ganacsigaaga iyo shirkadaadu ha kuu shaqeyso waxa aan kuu sheegayaa in aan intaa midkoodna kuu shaqeyn doonin hadii xasilooni la’aan siyaasadeed iyo kala shaki umadeed dhaco , markaa maanta waxa kala gudboon in la isku kaashado in la ilaashado waxii umadu dhigatay.

Mohamed Abdi Jama (Mohamed Dhimbiil

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this