Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Uganda oo Ciidamo u soo direysa Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Uganda ayaa shaacisay in ay Ciidamo cusub u soo diri doonto Soomaaliya, si ay ugu biiraan howlgalka AMISOM ee ka socda gudaha Dalka Soomaaliya.

Ciidamadan oo gaaraya kun askari ayaa la filayay in ay soo gaaraan Dalka Soomaaliya bishii April ee sanadii 2020, balse uu dib u dhac ku yimid safarkooda sababo la xiriira cudurka COVID-19.

Janaraal Yusuf Bilal Katamba oo ah Afhayeen u hadlay Dowladda Uganda, ayaa sheegay in Ciidamadan cususb ay badali doonaan kuwa kale oo howlahooda ciidan dhameystay, maadaama muddo hal sano ah ay ku sugan yihiin Soomaaliya.

Waxaa uu tilmaamay in Ciidamadan ay qaadan doonaan tababar soconayo muddo afar billood si buu yiri ay qeyb uga noqdaan howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda gudaha Dalka Soomaaliya.

Uganda waxaa ka jooga Dalka Soomaaliya ciidamo tiro ahaan lagu qiyaasay 6,000 kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka Nabad Ilaalinta ee Midowga Afrika ee AMISOM.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this