Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Caalamka oo markale hadashay “Waa in la balaariyaa Wadatashiga Doorashada”

Recommended Posts

Deeq A.   

Qoraal ay soo saareen Saaxiibada Soomaaliya ee Caalamka ayaa lagu sheegay in Haddala joogo wakhtigii si ka dagdagsiknyo badan sidii hore in hoggaamiyeyaasha siyaasadada Soomaaliya ay danta Guud ka dhigaan mudnaanta kowaad, isla markaana ka wada shaqeeyaan sidii loo qaban lahaa doorashooyin si ballaaran loo taageero oo waliba sida ugu dhakhsaha badan suurtagal u ah si loogu dhaqaajiyo Dalka wadada saxda ah, “

Qoraalkii Beesha Caalamka waakan

Muqdisho – Saaxiibbada Soomaaliya ee beesha caalamka* waxay ugu baaqayaan dhamaan saxiixayaasha heshiiskii 17kii Sebtember inay si deg-deg ah isugu yimaadaan si loo dhamaystiro hirgelinta hannaanka doorashada, iyadoo laga amba-qaadayo howshii ay qabteen Guddiga Farsamada ee ku kulmay magaalada Baydhabo 15-16 Febraayo.

Madaxda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada waa inay sidoo kale joogteeyaan xiriir furan oo ay la yeeshaan madaxda kale ee siyaasadeed ee Soomaaliya iyo bulshada rayidka ah si loo xaqiijiyo in doorashadu ay hesho taageerada ugu ballaaran ee suurtagalka ah, isla markaana guddiyada doorashooyinku ay u hawlgalaan si ka madaxbanaan dano siyaasadeed.

Saaxiibada caalamku waxay ka walaacsan yihiin dhacdooyinkii rabshadaha watay ee ka dhacay Muqdisho 19kii Febraayo. Waxaan ugu baaqeynaa dhamaan dhinacyada inay is-dejiyaan oo ay is xakameeyaan si loogu oggolaado wadahadalka siyaasadeed inuu horay usii socdo.

Hadda waxaa si kasii dhakhso badan sidii hore loogu baahanyahay in madaxda siyaasadeed ee Soomaaliya ay danta qaranka ka dhigaan tan koowaad, ayna ka wada shaqeeyaan sidii loo qaban lahaa doorashooyin leh taageero ballaaran oo ku qabsooma sida ugu dhakhsiyaha badan ee suurtagalka ah, si dalka horay loogusii dhaqaajiyo. Saaxiibada caalamku waxay si firfircoon uga taageerayaan dadka Soomaaliyeed sidii ay ku gaari lahaayeen natiijadaas

* Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Norway, Qadar, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ugaandha, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay.

The post Beesha Caalamka oo markale hadashay “Waa in la balaariyaa Wadatashiga Doorashada” appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this