Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha caalamka: Waa in DF iyo Maamul Goboleedyada Ku Heshiiyaan Hirgelinta Doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   

Beesha caalamka ayaa saxiixayaasha heshiiskii 17-kii September waxay ku baaqday in ay si degdeg ah isugu yimaadaan si loo dhameeyo hawlaha doorashada iyada oo laga ambaqaadayo shaqadii guddiga farsamo ee Baydhabo ku shiray 15-16 February.

Dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada waa iney khadka wada tashiga u furaan siyaasiyiinta kale iyo bulshada rayidka si doorashada u hesho taageero ballaaran iyo in sidoo kale guddiyada doorashada iney ka madaxbannaanaadaan kooxaha siyaasadda.

Beesha caalamka waxaa ay ka welwelsan tahay qalalaasihii ka dhacay Muqdisho 19-kii February. Waxaan ugu baaqeynaa kooxaha kala duwan in la is dejiyo, la iska celiyo, laga ogolaado in wadahadallada siyaasiga ah ay mirodhalaan.

Waxaa la joogaa xilligii ay siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay maslaxadda qaranka hormarin lahaayeen, isla markaana ay si wadajir ah uga wada shaqeyn lahaayeen doorashada loo dhan yahay oo ku dhacda sida ugu dhaqsiyaha badan. Beesha caalamka waxaa ay Soomaaliya ku taageereysaa iney hadalkeeda ay gaarto.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this