Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulan looga hadlayey amniga oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa magaalada Samareeb Guddoomiyay kulanka todobaadlaha ah ee Amniga, waxaana fadhigan oo ahaa mid bulshadu ka qayb gashay ku sugnaa Saraakiisha Amniga Caasimadda, Maamulka Degmada Samareeb, Gudigga Amniga Baarlamaanka Galmudug iyo Mas’uuliyiin kale oo dhamaantood diirada saaray sida ugu haboon ee loo xoojin karo amaanka guud.

Wasaarada Amniga ayaa kulankan ku shaacisay in aan la aqbali doonin soo gelinta waxyaabaha maanka dooriya ee gudaha Deegaannada Galmudug iyo in Guriyaha laga kireeyo dad aan ogolaansho ka heysan laamaha amniga, isla markaana aan marin hubinta hey’adaha qaabilsan howlahaasi.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:

0afbd7f0-5ca9-406d-bd63-b50e1eba1768.jpg 2d4f04bf-835f-4f88-bf19-e34a046c1514.jpg 4d0c4234-e0f8-46fd-b60b-f7ae5935a69e.jpg 4e10ade8-9aa1-4b46-80e3-3c3b4219a97a.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this