Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Su'aalahaan yaa jawaab u haayo?

Recommended Posts

Shan su’aalood oo ku saabsan Bannaanbaxa Jimcaha.

151050573_10159356281073384_879613357489

Marka hore Afeef iga hoo.

Xushmad iyo qaddarin weyn ayaan u hayaa murashixiinta damacooda sheegay ee raba in ay u tartamaan Madaxtinnimada dalka. Waa howl adag oo dhafar, daal iyo kharash badan oo inta bandan ku dhammaata guuldarro. Waan yara dareemi karaa culeyskaas oo hore ayuu ii soo maray.

Waxaan si gaar ah xushmad ugu hayaa Madaxweynayaashii iyo Raiisal Wasaarihii hore.

Waxaan caddeynayaa in aanuu jirin Hoggaamiye siyaasadeed oo aan kala tashaday iyo mid aan isla ognahay qoraalkan.
Bannaanbaxa nabadeed ee ay madasha Murashixiintu ku baaqday in uu Jimcaha ka dhaco fagaaraha Dalkjirka Dahsoon ee Muqdisho, ayaa igu dhaliyay su’aalo dhowr ah. Waxaan is tusay halis aan is leeyahay hadda waa laga baaqsan karaa.

Mid kastaa waxay ku saabsan tahay, sida aan is iri, halis hadda laga baaqsan karo.
Bannaanbaxa waxaa yoolkiisa lagu sheegay in la doonayo in lagu muujiyo in aan shacabka Muqdisho ka raalli ahayn in ay sii joogto Dowladda oo xilligeedii uu dhammaaday.

Waxaan goostay in aragtideyda shakhsiga ah oo kooban aan la wadaago murashixiinta iyo Dadweynaya Soomaaliyeed siiba kuwa Muqdisho.

Marka laga soo tago xoogsatada faraha badan ee danyarta ah oo qaarkood waayi doono dakhligooda maalinlaha ah, waxaa jiri karta halis amni oo aan la sahashan karin.
Dadweyne ay horkacayaan Madaxweynayaal hore, oo goor iyo goob la shaaciyay oo fagaare ah ku ballansan, Allah kama dhigee, sow halis uma aha qaraxyada iyo weerarrada noocyada kale ah ee ka dhaca Muqdisho?
Haddii taas laga nabadgalo, waxaa jirta halis labaad oo amni.

Waa haddii ciidanka murashixiinta ilaalinaya iyo ciidanka waddooyinka fadhiyaa
ay kala shakiyaan. Waa haddii uu midkood uu falalka midka kale u fasirto in ay yihiin daandaansi u baahan in laga falceliyo ama ugu yaraan la is hortaago.

Labada ciidan waxay ka wada tirsan yihiin ciidanka Qaranka, dhar isku nooc ah ayay ku lebbisan yihiin, waxay fuushan yihiin gaadiid isku nooc ah, waxayna sitaan hub iyo rasaas isla mid ah.

Murashixiintu ma hayaan si ay u baajin karaan in labada ciidan uu dhex maro iska horimaad hubeysan?

Labadaa qodob waxay igala culus yihiin ujeeddada Bannaanbaxa.

Amniga kama baxsana oo waxaa lagu jiraa xilli uu Muqdisho ku laba kacleeyay Covid-19.
In dad badani ay goob isugu soo baxaan miyaaneey sahli karin sii faafidda cudurkan laayaanka ah?

Aan u soo laabto danta ay murashixiintu ka leeyihiin bannaanbaxa.

Maaddaama la og yahay in Bannaanbuxu aanuu shacabka ka imaan ee ay Murashixiintu ku dhaliyeen, abaabulayaanna, ma muuqataa si uu wax uga beddeli karo mowqifyada hadda la kala joogo?
Waxaas oo dhami waxay dhacayaan iyada oo uu maanta billowday shir hordhac u ah shir kale oo laga yaabo in uu isla Jimcaha ama maalmaha xiga ku dhawaaqo si’ iyo goor la isla oggol yahay oo doorashadu ay qabsoonto.

Ugu dambeyn, sow ma mudna in maalmo fara ku tiris ah laga warsugo wadahadlka uu hordhiciisu maanta ka billowday Baydhowa?
Waxaan hubaa in murashixiinta ay ka mid yihiin qaar iga khibrad iyo aqoon badan. Waxaan hubaa in ay talada hore u gorfeeyeen, haatanna ay rogrogi doonaan. Kama filayo in iyaga oo wadajira ay ku dhaqaaqi doonaan fal ay halis uga imaan karto dadweynaha Muqdisho iyo guud ahaanba Soomaaliya.

________________

Xigasho: Yuusuf Garaad Axmed - bartiisa Facebook

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowladda Soomaaliya oo mamnuucday isku-imaatinka dadweyne sababo la xiriira cudurka Covid 19

Shir jaraa'id oo ay wadajir magaalada Muqdisho uga qateen qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirradda Xukuumadda Soomaaliya iyo saraakiisha ciidamada ayeey uga diggeen Shacabka Soomaaliyeed isku soo baxyada iyo isku -imaantinka dadweyne sababo la xiriira saameynta adag uu dalka ku yeeshay cudurka Covid 19.

Wasiirka Wasaarradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo ay wehliyaan Wasiirradda Caafimaadka iyo Amniga ayaa sheegay in iyadoo laga hortagayo khatarta cudurka dowladdu go'aan ku gaartay in ay fasaxdo shaqaalihii dowladda, islamarkaana la ogolaan doonin isku imaatinka dadweyne si looga hortago faafitaanka cudurkan.

Wasiirka Amniga Xassan Xundubeey Jimcaale oo wax laga weydiiyay dibadbaxa ay ku baaqeen Midowga Musharixiinta ayaa sheegay ayaa sheegay  in uusan jirin ogeysiin rasmi ah oo dawladda soo gaaray, inkastoo muwaadiniinta uu sharciga dalku siinayo xaq ay fikirkooda ku soo bandhigi karaan, balse aan la ogolayn kulan dadweyne si cudurka looga digtoonaado. 

Go'aanka ay dowladdu qaadatay ayaa saameyn doona dibadbaxa ay ku baaqeen in maalinta Jimcaha uu ka dhacayo magaalada Muqdisho midowga Musharixiinta, madaama ciidamada iyo laamaha Amniga la faray in xaqiijiyaan fulinta dhamaanba qoddobada lagaga hortagayo faafitaanka cudurkan oo uu qeyb ka yahay qoddob mamnuucaya in bulshadu isku timaado.

Laakiin dhinaca midowga musharixiinta oo dibadbaxan ku baaqay ayaa dhawaan uga diggay dowladda Soomaaliya in ay carqaladeyso dibadbaxaya ay dhigayaan taageerayaashooda,  lamana oga sida ay uga jawaabi doonaan digniintan danbe ee ka soo baxday dowladda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

😀Lol, sad mister MMA —always clutching at gudhuu straws.

Former President Culusow thoroughly debunked the futility and desperation of those silly fools who dare attempt to forestall the free assembly of the public because of some supposed health restriction.

===================================
 

Xasan Sheekh oo jawaab kulul ka bixiyey go’aankii kasoo baxay dowladda

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag uga fal-celiyey hadalkii galabta ka soo yeeray wasiirro iyo saraakiil ka tirsan dowladda federaalka, kuwaas oo dal-baday in shacabku aysan sameynin wax isku imaatin ah, cabsi laga qabo Coronavirus awgeed.

Xasan Sheekh, oo taageerayaashiisa kula hadlay Muqdisho, ayaa sheegay in wax kasta hadii ay dhacaan aysan ka baaqan doonin banaanbaxa ay iclaamiyeen Jimcaha soo socda, isagoo sheegay in banaanbaxaas oo ah mid nabadeed looga soo hor jeedo sifaha uu Farmaajo weli ku sii joogo xafiiska iyo shuruucda uu saxiixayo xiligan.

Waxuu tusaale u soo qaatay saxiixyada guddiyada la dagaalanka musuq maasuqa iyo kan adeega garsoorka garsoorka oo uu sheegay in laga bedelay taariikhda saxiixa oo waqti hore lagu qoray, sida uu hadalka u dhigay.

“Nimankan dhaqanka dowladnimada ayey ku dheeleen maanta waxay nasoo hor taajiyeen taliyeyaashii ciidamada oo leh Corona ha la iska jiro, war taliye ciidanow maxaa corona kaa galay? Ila meereyso ayey wadaan, tan iyo markii uu Farmaajo xafiiska tegay hal tuulo galama saarin Al-Shabaab, kaaga darane magaalada ayey maalin kasta dadka ku gablaminayaan,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh oo sii hadlaayey ayaa tallaabo lama huraan ah ku tilmaamay banaanbaxa ay iclaamiyeen Jimcaha soo socda, isagoo shacabka u balan qaaday inay hor kici doonaan.

“Hadaadan codkaaga ku dhihi karin, kan waan diidanahay, kana waan ogolahay, maxaad xaq u leedahay? Farmaajo iyo wiilasha ku xeeran, waxaa waajib ku ah in dadka isugu soo baxaya banaanbaxa ay ammaankooda sugaan oo jidadka u furaan, waa dembi in la yiraahdo banaanbax dhici mayo,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Waxa sheegay in qof kasta uu soo qaadan doono qalabka wajiga lagu xirto, iyaguna ay u diyaari doono, xatta faradhaq, meel kastana ay uga hor marayaan shacabka.

“Waan tageyna fagaaraha, anagaa idinka horeyna oo meesha tegayna, warkood dheg jalaq cid u sii doonta malahan, dadka ma ixtiraamaan, warkoodana qof yeeleysa malahan, la dhageysan maayo, xuquuq dambe oo lagu tumanaayana ma yeeleyno, dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaan leeyahay maalinta Jimcaha ah barxadda Daljirka Daahsoon ayaa noo balan ah, maalintaas horteed cidna Ilaahey ma dilo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweynihii hore xasan Sheekh Maxamuud.

WWW.CAASIMADA.NET

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag uga...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Does Hassan Culusow know how many died of Covid19 this week in Mogadishu, he should pay a visit to cemetery, 

New variant is killing pple crazy 

Share this post


Link to post
Share on other sites
13 hours ago, maakhiri1 said:

^^Does Hassan Culusow know how many died of Covid19 this week in Mogadishu, he should pay a visit to cemetery, 

New variant is killing pple crazy 

The blatant disingenuity of your argument only goes to show how gullible you are and your willingness to blindly follow the nonsensical claptrap being peddled by the supporters of Useless Farmaajo, notwithstanding his glaring failures which are detrimental to their own interest and the nation as a whole.

Share this post


Link to post
Share on other sites
20 hours ago, Tillamook said:

The blatant disingenuity of your argument only goes to show how gullible you are and your willingness to blindly follow the nonsensical claptrap being peddled by the supporters of Useless Farmaajo, notwithstanding his glaring failures which are detrimental to their own interest and the nation as a whole.

You are completely blinded by your bias against this government since day one,  try to find facts, covid-19 is widespread in Mogadishu 

Share this post


Link to post
Share on other sites
13 hours ago, maakhiri1 said:

You are completely blinded by your bias against this government since day one,  try to find facts, covid-19 is widespread in Mogadishu 

No bias here, sxb.

I only chose not to blind myself to their carelessness and incompetence sooner the most.

The violence currently taking place in Mogadishu is a cofession of the terrible incompetence of Farmaajo’s government.


In any case Mudane Maakhiri—-COVID-19 hakuu badbaadiyo Farmaajo iyo xertiisa..😀

Share this post


Link to post
Share on other sites

Even though Farmaajo is a failed president who is unwilling to hold elections on time, the opposition has completely miscalculated by starting a war in Mogadisho. Sharif and Hassan Shaikh have destroyed their reputation as former presidents and will never be trusted to lead Somalia again. It is better to keep talking even if that takes few months to hold the elections. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.