Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Kiikuuyos want to delay again the maritime case

Recommended Posts

Dowladda Soomaaliya oo si adag uga hortimid qorshe Kenya ku doonayso in dib loogu dhigo dhegaysiga dacwada badda

Dowladda Soomaaliya ayaa kasoo horjeesatay dalab dowladda Kenya ugudbisay maxkamada caalamiga ah ee cadaaladda ICJ, si dib loogu dhigo dhegaysiga dacwada dhinaca badda ee ay Soomaaliya ka gudbisay.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo magaalada Muqdisho ku qabtay shir jaraa’id ayaa sheegay dowladda Soomaaliya in warqad  u qortay maxkamadda ICJ ayna ku caddaynayso in ay diyaar u tahay in ay ka qeyb gasho dacwada bilaabanaysa bisha march.

Maxkamadda ICJ ayaa 15-ka bisha Maarso ee sanadkan u muddaysan tahay in la gudo galo dhegaysiga dacwada badda oo marar kala duwan ay dowladda Kenya ku guulaysatay in dib loo dhigo kadib codsi ay u dirtay maxkamadda.

Wasiir Dubbe ayaa sheegay dowladda Soomaaliya in aysan marnaba aqbali doonin dib u dhigis dambe, isagoo tilmaamay dowladda Soomaaliya in ay u arkayso “caddaalad dib loo dhigay in ay lamid tahay cadaalad la diiday. (Justice delayed is justice denied).

“Haddaad dib u dhigto xukun iyo maxkamad waxay ka dhigan tahay in aadan maxkamadda aqoonsanayn ama aadan rabin inaad cadaaladda hortagtid,” ayuu yiri wasiir Dubbe.

Dowladda Kenya ayaa dooddeeda ku aadan dib u dhigista dacwada badda waxay sabab u dhigaysaa in aanay jirin dowlad sharciyad haysata  oo xilligaan ka jirta Soomaaliya, sida lagu qoray wargeysyada waawayn ee Kenya.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

DF Soomaaliya oo ‘diiday in markale dib loo dhigo’ kiiska badda ee horyaalla ICJ?

Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cismaan Abuukar Dubbe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hadlay kiiska badda ee horyaalla maxkamadda cadaaladda adduunka, kadib markii ay Kenya dalbatay in markii afaraad loogu dhigo.

Dubbe ayaa shaaca ka qaaday in marnaba dowladda federaalka aysan aqbali doonin in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda biyaha ee kala dhexeysa Kenya.

“Soomaaliya ma aqbaleyso dib u dhigis dambe oo afaraad iyo shanaad ah,” ayuu yiri wasiir Dubbe.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay haddii markale dib loo dhigo kiiskan inuu dhabarjab weyn ku noqonayo cadaaladda adduunka, sida uu hadalka u dhigay.

“Arrinta dib u dhigista dacwadaha oo markii afaraad la rabo in dib loo dhigo oo aan saaka diidnay waxay dhabarjab ku tahay cadaalladda adduunka,” ayuu sii raaciyey.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay warqad u dirtay maxkamadda ICJ, islamarkaana ay diyaar u tahay inay ka qeyb-gasho dacwaddaasi.

“Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya saaka oo Khamiis ah 11-ka Febraayo, 2021-ka waxay maxkamadda cadaaladda dunida ICJ oo xarunteedu tahay Hague ee dalka Netherlanday u qortay warqad ay ku sheegeyso Soomaaliya inay diyaar u tahay in ay ka qeyb-gasho dacwadda oo la muddeeyey dhowr isbuuc kadib 15-ka Maarso, 2021-ka,” ayuu markale yiri wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka ah e Soomaaliya.

Hadalkan kulul ee kasoo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku soo aadayo, iyada oo ay Kenya ka dalbadatay maxkamadda ICJ in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda badda oo la muddeeyey 15-ka bisha soo socota ee March, waxaana haatan xukuumadda Nairobi ay ku doodeysaa in dhul dhinaca bariga ah uu kaga maqan-yahay gudaha Soomaaliya.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in maxkamadda ICJ ay Kenya ka diiday in dib loo dhigo dacwada badda

Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ICJ ayaa sheegtay in aan dib loo dhigidoonin dacwadda dhinaca badda ee ay Soomaaliya ka gudbisay Kenya, sida uu sheegay raysal wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed.

Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, ayaa sheegay in ay maxkamaddu go’aan shalay ku gaartay in dhageysiga dacwadda oo horayna ay u muddeysay haseyeeshee Kenya ay codsatay in dib loo dhigo, in aan la aqbaleynin in dib loo dhigo mar dambe.

Maxkamadda ICJ ayaa Soomaaliya iyo Kenya ku wargalisay in ay u soo diyaargaroobaan dhegaysiga dacwada 15-19 bisha Maareo 2021.

“Waxaan shacabweynaha Soomaaliyeed u sheegaynaa anagoo ku kalsoon ilaaheey iyo taageerada shacabkeenna in aan dooddeena xaq ku helidoono, inagoo weliba ku kalsoon dhexdhexaadnimada maxkamadda,” ayuu yiri raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya.

Mahdi Guuleed wuxuu sheegay in dowladda federalka Soomaaliya afartii sano ee ugu dambeysay ay dadaal xoogan ku bixisay dacwada dhinaca badda, iyadoo kaashanaysay bulshada Soomaaliyeed.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Let's remind our Farmajo cheerleaders that Kenya/Somalia dispute over maritime and other issues existed well before he became president. The previous government led by Hassan Sheikh stood up to Kenyans and brushed them aside.

At the time Farmajo was lambasting the Somali government for distracting the masses from their incompetence and lack of leadership from the comfort of his hotel in Nairobi.

Now he is using the same tactics to drum up fake nationalism to win support and ultimately election. So the question to our cheerleaders is was he wrong then or now? 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

farmaajo meelna kamasoo galo qadiyaddaan waa qowmi

Kenya waxa u doodaya waa soomaali

dhul baa nooga maqan soomaaliya waxa dhahaya waa soomaali

Doorasho iyo dadnimo waxa diiddan waa soomaali

waxa doonaya in hawadii soomaaliya in kenya dib loogu celiyo waa soomaali

Mucaaradka ha la waydiiyo kenya warkeedu waa cadyahaye, maxaa adinka kenya idinkaga maqan?

Waan hubaa inay oranayaan farmaajo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

Waar tolow Kikuuyadu bada maxaa loogu sheegay?

This is insane. doesn't every nation want their case to be decided by impartial court? 

Waxani gaas iyo batrool ka badani maxay meesha ka heleen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Galbeedi,

They saw a country on its knees and I thought it is ripe for the picking. The leadership was handsomely to deliver Somali resources to the West, but they failed, now the Western corps are calling.

Somalia has a good case, but I am not get my hopes high.

Share this post


Link to post
Share on other sites
9 hours ago, galbeedi said:

Waar tolow Kikuuyadu bada maxaa loogu sheegay?

This is insane. doesn't every nation want their case to be decided by impartial court? 

Waxani gaas iyo batrool ka badani maxay meesha ka heleen.

The rumour was and still is that Kiikuuyada received a considerable sum of down payment from dowladda Norway, contingent Norwegian companies having exclusive access to this part of the sea. Should Kiikuuyo fail, there is a penalty and need to pay back to Norway.

Norway behind the scenes were supporting Kiikuuyada in this issue.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.