Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Geeri xanuun badan

Recommended Posts

Sheekada muragada leh ee lamaanihii sagaalka maalin kaliya is-qabay ee lagu dilay weerarkii Hotel Afrik

Lamaane.jpg

Waa arrin murugo iyo uur ku taalo ku reebtay qoysaska lamaane is calfaday oo labo qaaradood jaceyl isaga keenay, kuwaasoo sagaal maalmood kaliya Illaahey isu qoray inay wada noolaadaan.

Masiibadii habeenkii Axada ka dhacday hotelka Afrik ee kooxda Al-Shabaab ku xasuuqeen dad kala duwan ayaa waxaa dadkaasi ka mid ahaa Fahad Cabdiraxmaan iyo Farxiyo Cali oo sagaal maalmood ka hor guurkooda ka dhacay magaalada Muqdisho, kana mid ahaa dadkii Hotel Afrik maalmaha malabka ku qaadanayay hotelka.

Fahad ayaa wuxuu ka tegay dalka Holland si uu magaalada Muqdisho ugula aqal galo lamaanahiisa Farxiya Cali, waxaana meherkoodu uu dhacay sagaal maalin ka hor sida uu Caasimada Online u sheegay madaxa shirkadda Arag Rijopleidingen Ridwaan Maxamed Xasan oo saaxiibo isla soo koray ahaa marxuumka.

Lamaanahaan oo ka mid ahaa dadkii hotelka deganaa ee ku dhintay weerarkaasi ayaa kooxihii weerarkii fuliyay ay si arxan daran ay qolkii ay ka deganaayeen hotelka ugu dileen.

Allaha u naxariistee Fahad C/raxmaan oo Somalia kasoo tegay sanadkii 1995-kii ayaa aheyd markii ugu horeysay ee uu ku laabto Muqdisho, si uu halkaasi ula soo aqal galo qofkii uu dunida ka doortay, hase ahaatee nasiib daro sagaal maalmood kadib, wuxuu ku baxay gacan ka xaq daran isagoo hamigiisii gaarin.

Weerarkaan ayaa waxaa sheegtay ururka mayalka adag ee Al-Shabaab oo sheegtay in dadkii ay hotel Afrik ku dileen ay ahaayeen saraakiil iyo shaqaale dowladeed.

Xigasho

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Lamaanaha arooska ahaa: ‘markii aan ka waynay dadkii soo baxay, maydkooda ayaan iska sugnay’

Lamaane Soomaali ah oo dhawaan ku aqal galay Hoteelka Afrik ayaa ka mid noqday dadkii rayidka ahaa ee ku dhintay weerarkii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Fahad Cabdiraxmaan iyo Farhiyo Cali Cumar waxay aroos ahaayeen sagaal maalmood oo kaliya, waxayna ku geeriyoodeen isla goobtii ay ku yagleeleen aqalkooda rajadu ku dheehneyd, sida ay xubno ka tirsan qoyskooda u sheegeen BBC-da.

Cali Cumar, oo ah aroosadda aabeheed ayaa sheegay in gabadhiisu ay soo wacday markii uu weerarka billowday, durbadiina uu halkaas tagay.

"Meesha waan gali weynay, aniga ayaa diyaar u ahaa inaan nafteyda u huro badbaadinta gabadheyda," ayuu yidhi Cali.

Laakiin ugu dambeyn markii weerarka lasoo afjaray, Fahad iyo Farxiyo lugahooda ugama soo bixin halkaas, labadoodiina way ku naf waayeen goobta.

Aabbe Cali Cumar ayaa BBC-da uga warramay sida ay xaaladdiisu ahayd markii uu dadkii lasoo badbaadiyay ka dhex arki waayay gabadhiisa iyo seygeeda.

Isagoo ay murugo badan ka muuqatay ayuu yidhi sidan: "Gabadheyda iyo ninkeedaba waxaan ka waayay dadkii bukaan socodka ahaa ama dadkii dhaawaca ahaa. Marka waxaa i sugayay xaalad kale oo ah sida aan ku heli lahaa meydadkooda, saacadaha yar ee la ii sheegayay in gudaha la ii fasixi doono si aan meydadka u arko waxay ila noqdeen sanado badan."

Fahad ayaa dhawaan ka yimid Mareykanka, ka hor inta uusan la aqal galin Farxiyo, sida ay noo sheegeen ehelada iyo dariska qoyskan oo aad uga argagaxay dhacdada.

Meydka lamaanahan oo lagu kala qaaday labo gaari oo ambalaas ah ayaa maanta lagu soo aasay qabuuro ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho.

Hoteelka la weeraray, oo ku yaalla agagaarka KM4 ee bartamaha caasimadda Soomaaliya ayaa lagu yaqaannay in ay dagaan saraakiisha dowladda iyo xildhibaannada baarlamaanka, kuwaasoo qaarkood ay gudaha ku jireen markii qaraxa uu dhacay.

15 qof oo weerarka shalay ku dhintay waxaa ka mid ahaa Janaraal Maxamed Nuur Galaal, oo ay shacabka Soomaalida badankood aad u yaqaanneen, muddo dheerna kasoo mid ahaa saraakiishii sar sare ee milatariga Soomaaliya.

Falkan ayaa yimid dhowr isbuuc kaddib markii madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump uu amar ku bixiyay in Soomaaliya laga soo saaro 700 oo ciidamada Mareykanka ah. Ciidamadaas ayaa laamaha amniga ee maxalliga ah ka caawin jiray la dagaallanka kooxaha kasoo horjeeda dowladda, oo ay ka mid yihiin Al-Shabaab.

BBC

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.