Apophis

Baledxawo captured by Jubbaland

Recommended Posts

gooni   

kuwaan ma dhanaan bay ka yimaadeen "ey" waxaa ugu orod badan kan lagu ugaarsado

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shisheeye iyo Kiikuuyo kalkaaliye and their merceneries hilfaha ayaa loo laabay. Si fiican ayaa la yeelay. Guul ciidanka qaranka.

 

 

Dowladda oo sheegtay in weerarkii Beled-Xaawo ay qeyb ka ahaayeen ciidamo Kenyaan ah

Wasiirka Wasaarradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo afjartay sida uu hadalka u dhigay weerar xalay saqdii dhexe degmada Beled-Xaawo ay ku soo qaadeen ciidanka Kenya iyo maleeshiyaad fallaago ah oo ay soo tababareen.

Wasiir Dubbe ayaa intaa ku darray in dagaalka ay ku qabteen ilaa 100 maleeshiyaad ah oo ka mid ahaa xoogaggii weerarka soo qaaday, madaama ayuu yiri ciidanka dowladda ay markii horeba diyaar u sii ahaayeen duulaanka dhinaca dowladda Kenya.

''Maleeshiyaadka lagu qabtay dagaalka ciidamada dowladda waxaa ay ku hayaan goob amaan ah iyaga oo ilaalinaya xeerarka maxaabiista dagaalka'' ayuu yiri Wasiir Dubbe oo Muqdisho kula hadlayay warfidiyeenka.

Eedeynta ah in ciidanka dowladda Soomaaliya ay Beled-Xaawo kula dagaalameen ciidanka Kenya iyo maleeshiyaad ayaa muujineysa khilaafka sii xoogeysanaya ee labada dowladood, iyadoo marar badan oo hore dowladda Soomaaliya ay ku eedeysay Kenya in ay fara-galin qaawan ku heyso madax-bannaanida dhulleed iyo Qarannimada Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Meantime, Kiikuuyo minions masaakiinta iyo maatida Buuloxaawo degan ayee xasuuqaayaan:

Shan Carruur ah oo ku dhintay Hoobiye ku soo dhacay gurigooda degmada Beledxaawo

Wararka naga soo gaaraya degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in shan carruur ah ay ku dhinteen madfac ku dhacay gurigooda.

Waxaa sidoo kale madfacan ku dhaawacmay hooyadii guriga, Aabaha dhalay carruurta geeriyootay oo lagu magacaabo Cabdiwali Turmaag Maxamed ayaa la sheegay in xiligaa guriga ka maqnaa islamarkaana uu ka badbaaday, 

Dagaalka degmada Beled-Xaawo ayaa marka laga tago rasaasta ay isku adeegsanayaan dhinacyada dagaalamaya sidoo kale waxaa barbar socda madaafiic lagu garaacayo magaalada oo lagu eedeeyay in ay adeegsanayaan ciidamada uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan.

Dagaalka degmada Beled-Xaawo ayaa dadka sidoo kale ku dhintay waxaa ka mid ahaa taliye ku-xigeenkii saldhiga degmada iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa. 

Dagaalka ayaa wali ka soconaya qeybo ka mid ah degmada oo ay isaga carareen inta badan dadkii shacabka ahaa ee ku noolaa.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kiikuuyo denying their dogs lost big time and were not arming them. They are very broke. They are not even arm their own army, let alone calool u shaqeystiyaal eeyaha u adeego.

Kenya oo war labaad kasoo saartay dagaalkii Beledxaawo

Dowladda Kenya ayaa maanta si toos ah uga jawaabtay eedeyntii kaga timid Soomaaliya ee la xiriirtay iney qeyb ka noqotay dagaalkii Beled Xaawo ka dhacay, waxeyna sheegtay inuu dagaalkaas yahay mid dhex-maray Soomaali.

Wasiirka arrimaha gudaha dalka Kenya Fred Matinagi ayaa sheegay in dagaalka dhacay uu dhexmaray laba ciidan oo Soomaali ah, islamarkaana aysan wax shaqo ah ku laheyn dowladda Kenya.

“Kenya wax lug ah kuma lahan dagaalka, mana jirin cid ka tirsaneyd ciidamadeena oo dagaalka qeyb ka ahaa kana tallaabay xadka Soomaaliya, ma garan karno waxey arintaas ula jeedaa, dagaalka waa mid Soomaali u dhaxeeya,” ayuu yiri wasiirka.

Jawaabta ka timid Kenya ayaa kusoo aadeysa xilli dowladda Soomaaliya ay si cad ugu eedyesay dhigeeda Kenya iney soo hubeysay waxa ay ku sheegtay maleeshiyaad oo soo weeraray magaalada Beledxaawo.

Jawaabta ay maanta bixisay Kenya ayaa ah mid toos ah oo ka duwan tii shalay oo ay ku gaabsatay kaliya inay walaac ka muujisay xaaladda ka jirta magaalada Beledxaawo oo dhacda xadka labada dal.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.