Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

"Soomaali" national army in Tigreyland?

Recommended Posts

Been iyo fowdo ayee baraha bulshada ku wadaan Mahad Salaad and et al, using bogus photos while claiming members of Soomaali army are fighting in Tigreyland. Well, dowladda dhexe ayaa jawaab ka soo saartay warkaan beenaadka ah.

DF oo war rasmi ah kasoo saartay askarta la sheegay in lagu laayey Tigray

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay wararka sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa Soomaaliya oo tababar loo geeyey dalka Eritrea, lagu dilal dagaalka gobolka Tigray.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay inaysan jirin ciidan Soomaaliyeed oo ka dagaalamay waqooyiga dalka Ethiopia.

“Ma jirto ciidan Soomaaliyeed oo dowladda Itoobiya codsaday inay u dagaalamaan oo ay ka dagaalamaan Tigray, Wararka been abuurka ee ku tira ku teenka ee mala awaalka ee ah in Ciidan Soomaaliyeed inay ka dagaalameen Waqooyiga Itoobiay ee Tigray waa waxba kama jiraan,” ayuu yiri.

Wasiir Dubbe, oo u muuqday inuu qirayo inay ciidan joogaan Eritrea, taasi oo qudheeda dowladda ay beenin jirtay, ayaa sheegay in dadka wararka noocaas oo kale ah faafinaya ay ka so horjeedaan oo ay diidan yihiin in Soomaaliya ay yeelato ciidan xoog leh oo amaankeeda ay ku filnaato.

Hadalka Wasiirka ayaa jawaab u ahaa warar isa soo tarayay iyo walaaca waalidiin badan oo ku saabsanaa in raq iyo ruuxdooda la’yihiin wiilashooda oo bilo ka hor dowladda Soomaaliya tababar ugu qaaday dalka Eritrea, kuwaasoo warar soo baxayay ay sheegayaan inay ka qeyb qaateen dagaalka gobolka Tigray.

Taliye ku xigeenkii hore ee hey’adda NISA Cabdisalaan Guuleed ayaa dhowaan sheegay inuu helay xog sheegeysa in askartii Soomaaliyeed ee tababarka loo geeyey dalka Eritrea ay qaarkood ku dhinteen, kuwo kalena ku dhaawacmeen dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray ee waqooyiga dalka Itoobiya.

Cabdisalaan Guuleed oo wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in loo xaqiijiyey geerida 370 askari oo ah dhalinyaradii Soomaaliyeed ee tababarka loo geeyey dalka

Xigasho

Share this post

Link to post
Share on other sites
Dalmar1   

Almost everyone is wondering why the mucaarad haven't brought this question of Tigrey-SNA story to ex-pm Hasan Ali kheir who is one of the mucaarad council.

If this was true they mucaarad should have brought forward their quiete man Hasan Ali kheire, his silence here tells a story.

Share this post

Link to post
Share on other sites
21 hours ago, Dalmar1 said:

Hooyooyinka ka qeylinaayo Gaalkacyo dadka kicinaayo waala ogyahay as well.

Share this post

Link to post
Share on other sites
gooni   

Qiimaha dadku, waa qaali markay xukuumad fiican haystaan.

Wax qiimaha nolosha dadkeena ka hadlaya dawladaan ka hor miyaad aragteen?

Mayd gaari gacan saaran oo lagu ag ganacsanayo waan soo aragnay,ciddii dishayna ay ag taaganyihiin saxaafad iyo mucaaradba.

Kuwaan Mucaaradka sheeganaya oo qabiilka isku bahaystay, markay aduunka ka hor qayliyaan oo ay tusaan inay ka walaacsanyihiin nolosha wiilashoodii waa wanaag ay farmaajo usoo jiideen. 
(Somalia is back again)

Siyaasadda dhinaca duminta iyo kala fogaynta  bay ka barteen.

faaska aad wax ku goynayso marbaa laga yaabaa inuu afkiisu doolshe noqdo.

Waa markii ugu horaysay oo soomaaliya lagu arko 30 sano ka dib, dad ka damqanaya nolosha wiilashooda.

Habrihii ay waaleen way la hadleen caruurtoodii wayna u sheegeen inay banooni ku ciyaarayaan guriga ay seexdaan gadaashiisa.

Share this post

Link to post
Share on other sites
7 hours ago, gooni said:

Mooryään isbaaro ku nool ahaa 30 sano maxaa ka sugee, sida dhooraha qoraalkiisa qaabka daran kaa horeeyo. Hooyooyinka kistoo la soo laaluushay ku marmarsiyo ka dhiganaayaan.

Personally, waaba jeclaan lahaa ciidamo qaran Soomaaliyeed Tigreyga dhulkooda ku soo karbaasho, aargudasho ayee Soomaalideena noo ahaan lahayd xasuuqee ka geysan jireen Soomaaliya oo Soomaali Galbeed ku jirto tan iyo bartamihii sagaashameyadii.

  • Like 1

Share this post

Link to post
Share on other sites

Itoobiya oo beenisay in ciidamo Soomaali ah ka qeybqaateen dagaalkii lala galay xoogagga Tigrayga

Dowladda Itoobiya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay in ciidamo Soomaali ah ka barbar dagaalameen ciidanka difaaca Qaranka Itoobiya ee dagaalka la galay xoogagga Tigrayga.

Afhayeenka Wasaarradda Arrimaha dibadda Dowladda Itoobiya Dina Mufti ayaa warka ku saabsan in ciidamo Soomaali ah ka qeybqaateen dagaalkii Waqooyiga Itoobiya ee lala galay Tigrayga yihiin kuwo been abuur ah.

“Waxaan aragnay warar sheegaya in ciidamada Eritrea ay u soo gudbeen xuduudda Ethiopia. Waxaan sidoo kale aragnay warar la mid ah oo sheegaya in askar Soomaali ah ay ka qeyb-galayaan dagaalka. Labada sheeko waa been abuur aan sal laheyn,” waxaa sidaas yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Ethiopia Dina Mufti. 

Warkan arrintan saabsan ayaa xiisad weyn ka dhax abuuray siyaasadda Soomaaliya, waxaana jira cadaadis xoog leh oo madaxda Soomaalida lagu saarayo in ay jawaab ka bixiyaan waxa ka jira in ciidamo Soomaali ah ka dagaalameen Itoobiya.

Laakiin dowladda Federaalka arintan waa ay beenisay iyada oo ku tilmaamtay warar la siyaasadeynayo oo ay ka faa'ideysanayaan dadka dowladda ka soo horjeeda.

Xigasho

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.