Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

"Balaayo ayaa dhaceysa..."

Recommended Posts

Balaayada baas uu saadaalinaayo ma tee asaga iyo kii kale waalnaa '91-92 Xamar ka dhigeen mee ka darnaan doontaa? Once a qabqable always a qabqable.

Cali Mahdi oo 8 Febraayo kadib ka digay hal arrin

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cali Mahdi Maxamed oo wareysi gaar ah siiyey TV-ga Soomaali Cable ayaa si adag uga hadlay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan is mari-waaga ka taagan doorashooyinka.

Cali Mahdi ayaa marka hore ka digay in dalka dib loogu celiyo bur-bur iyo dagaallo sokeeye, wuxuuna shaaca ka qaaday inay muhiim tahay in la sameeyo tanaasul.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray, haddii aysan dowladda federaalka qaban doorasho loo dhan yahay, ka hor sideeda Febraayo inay dhaceyso wax uu ku sheegay balaayo.

“Maxaa jira dadka, haddii ay wada simaan balaayo ayaa dhaceysa, waan rajeynayaa illaa heerkaas in aan la’isla gaarin,” ayuu yiri madaxweyne hore Cali Mahdi Maxamed.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyey “Waan rajeynaa inuu madaxweynaha dib u fakiro oo caqligiisa dib u fiiriyo oo la-taliyeyaal fiican suubsado inay meeshaas arrintu gaarin oo xaliyo, waxa la’isku qabanaayo waa wax saacad ama laba saac ku dhammaan karo,”.

Dhinaca kale Cali Mahdi oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay qorshaha xukuumadda ee ku aadan hirgelinta doorashooyinka 2021-ka, iyada oo ay maqan yihiin maamullada Jubbaland iyo Puntland oo weli tabasho ka muujinayo doorashada dalka.

Cali Mahdi ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay, haddii tallaabadaas la qaado in ay dalka u horseedeyso inuu dib ugu noqdo meeshii laga yimid & in lagu kala tago qaranka.

“Haddii taasi dhacdo waxaan ka faa’iideynaa qaran Soomaali oo dambo iyo magac Soomaali oo dambo maalintaas ayaa ugu ekaaneyso nin walba wuxuu ku noqonayaa tuuladii uu ka yimid qabiilkiisa uu Calan u saaranayaa qaran Soomaaliyeedna cid dambe oo dhisi kareyso haba yaraatee ma jirto 1991-dii waxaan ka soo maray anaa og,” ayuu markale yiri.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan dalka uu ku jiro marxalad adag oo kala guur ah, islamarkaana uu khilaaf xoogan ka taagan yahay doorashada dalka ee 2021-ka.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Dalmar1   

It looks apperant that Sheikh Shariif wont stop until he expels Pres.Farmaajo like he expelled former President Abdulahi yuusuf, walahi siyaasada Xamar is becoming too repetitive around  beesha anuka leh.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Saalax   

Waxa la yaab leh odaygan Cali Mahdi miyana ahayn ninka dabaq $8 million ah ee ugu dheer ka dhistay Xamar ? haday balaayo dhacdo miyana dabaqiisa ka dumayniin :D wa caqli darada haysata siyaasiinta koonfuurta qarkood. 

Share this post

Link to post
Share on other sites
Dalmar1   
12 hours ago, Xaaji Xunjuf said:

Where did sharif added a year to his term never heard of this.

His term was extended when they met in Uganda for the Kampala Accord, Uganda only had one condition for the extended year and it was for the pm then Farmaajo to be expelled which sheikh Shariif was very happy to comply, thus he fired his then PM Farmaajo.

So today the tables are turned and he sheikh Shariif is the one who's screaming murder for an term not even reached yet be Farmaajo let alone extending yet.

The problem with Shariif is that he's a reer baadiy with unaka leh mentality.

Share this post

Link to post
Share on other sites
5 hours ago, Dalmar1 said:

Si fiican ayaa u xasuusataa that unlawful collusion by the two Shariifs in Kambaala in Juun of 2011. Islii ayaa joogay, dadkii ka soo horjeeday oo Islii ku dibadbaxaaye ku jiray. Here are the pictures I took on that day and posted on SOL.

  • Thanks 1

Share this post

Link to post
Share on other sites
10 hours ago, Saalax said:

Waxa la yaab leh odaygan Cali Mahdi miyana ahayn ninka dabaq $8 million ah ee ugu dheer ka dhistay Xamar ? haday balaayo dhacdo miyana dabaqiisa ka dumayniin :D wa caqli darada haysata siyaasiinta koonfuurta qarkood. 

He has this mentality of qaska inay ka fiicantahay nidaam dowladeed jirto. Of all people, Cali Mahdi should know better. It was his hotel, Maka Almakurama, that was first la bililiqeysto in Nofeembar, 1991, after his internal war with Caydiid started and he and his militia were kicked from degmada Hodan, which his hotel was located at. We didn't live far from his hotel, so kuraastii iyo alaabtii kale laga soo bililiqeystay laamiga gurigeena hortiisa lala maraaye that day.

  • Like 1
  • Haha - That was funny. You made me laugh! 1

Share this post

Link to post
Share on other sites
Dalmar1   
2 hours ago, Miskiin-Macruuf-Aqiyaar said:

Si fiican ayaa u xasuusataa that unlawful collusion by the two Shariifs in Kambaala in Juun of 2011. Islii ayaa joogay, dadkii ka soo horjeeday oo Islii ku dibadbaxaaye ku jiray. Here are the pictures I took on that day and posted on SOL.

Shariif need to know that antagonizing half of the country with his constant dagaal hanjabad won't help his cause in ruling this country.

How is he (shariif) supposed to rule this country Somalia as President when almost all of Somalis view him as qaswade/spoiler, it's clear that not my President will be the slogan when he declares himself President.

Share this post

Link to post
Share on other sites
On 1/19/2021 at 10:00 AM, Dalmar1 said:

His term was extended when they met in Uganda for the Kampala Accord, Uganda only had one condition for the extended year and it was for the pm then Farmaajo to be expelled which sheikh Shariif was very happy to comply, thus he fired his then PM Farmaajo.

So today the tables are turned and he sheikh Shariif is the one who's screaming murder for an term not even reached yet be Farmaajo let alone extending yet.

The problem with Shariif is that he's a reer baadiy with unaka leh mentality.

How was it extended. He came to power in 2009 and left 2012. Or am I missing something. Or was he a 2 year term president. 

Share this post

Link to post
Share on other sites
4 hours ago, Xaaji Xunjuf said:

How was it extended. He came to power in 2009 and left 2012. Or am I missing something. Or was he a 2 year term president. 

Yes, he was supposed to be a two-year transitional president and arrange a doorasho/xulasho (election-selection) in that Jan., 2011. He did not. Further extending his term in June, 2011 as well.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Tuugii kalaa hadlay.

Shariif Xasan oo shaaca ka qaaday waxa dhacaya marka la gaaro 8-da Febraayo

Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed laba jeerna soo nooqday Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka hadlay xaaladda dalka iyo doorashada lagu mursan yahay isagoo Xalay ka qeyb galayey kulan su’aalo lagu waydiinayey.

Waxa uu soo jeediyay in Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Madax Goboleedyada & musharixiinta ay kawada xaajoodaan qaabka ay u dhaceyso Doorashada & ka gudubka caqabadaha taagan.

Shariifka ayaa sheegay in waqti ahaan laga durqi karo muddo xileedka Dowladda oo ku siman 8-da Febaraayo 2021 waa marka lagu heshiiyo sida wax lo wadayo, diyaargarowga & qorsheynta howsha lagu wajahayo Doorashada kahor muddo xileedka Madaxtooyada.

Waxa uu ka digay in muddo xileedka Madaxtooyada uu dhammaado iyada oo la isku hor fadhiyo sida la isu diidan yahay oo aan heshiiska lagu ahayn hab maamulka doorashada qorsheynta & dhammeystirka nidaamka Geedi socodka (Kala guurka).

“Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha & Maamulada in lawada fadhiisto oo lagu go’aan gaaro kahor 8-da febaraayo, balse dhibaatadu waxa ay imaaneysaa in waqtigaas la gaaro iyada oo aan heshiis lagu ahayn, waqti waa lagu dari karaa waxaa ka horreeya in heshiis lagu yahay, balse Madaxweynaha waxa uu xilka uga egyahay 8-da Febaraayo 2021” Sidaasi waxaa yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya & Madaxweynihii DG Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka digay in dalka dhibaato loo horseedo iyada oo la heli karo xal wanaagsan oo isla ogol & wax wada qabsi lagu waji karo sida uu hadalka u dhigay.

Muddo xileedka Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku siman 8-da Febaraayo 2021 waxaa ka dhimman 19-Cishe oo keliya, mana saldhigna Doorashada oo waqtigii loo qorsheeyay oo ahayd 2020 in la bilaabo laga soo dib dhacay, iyada weli aan xal la gaarin.

Midowga Musharixiinta ayaa dhawaan sheegay inay lagama maarmaan tahay in ka hor 8 February laga heshiiyo doorashada ka dhaceyso Soomaaliya, balse waxaa muuqato in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu iska dhaga tirayo baaqyada uga imaanayo musharixiinta mucaaradka iyo madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland.

Share this post

Link to post
Share on other sites
gooni   

Balaayo ninkii doonta wuu heli 8'da February sii daaya dhagaheeda meeshay ka dusto ha la arkee.

Ma ewelaa basiin ii baaqahaayay.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.