Sign in to follow this  
Geel_jire

Marriage of cousins

Recommended Posts

In an age of sexual liberation, marriage between cousins remains taboo, at least in the United States — and from a scientific perspective, laws against the unions are a socially legitimized form of genetic and sexual discrimination.

 

That argument, raised Monday in an editorial in Public Library of Science Biology, may turn the stomachs of people raised to disapprove of any form of incest. But
dispassioned analysis suggests that cousin marriage is no more troubling than childbearing by middle-aged women.

 

"Women over the age of 40 are not prevented from childbearing, nor is anyone suggesting they should be, despite
an equivalent risk of birth defects,"
write zoologists Hamish Spencer and Diane Paul. Bans against cousin marriage, they say, should be repealed, "because neither the scientific nor social assumptions that informed them are any longer defensible."

 

Thirty-one states outlaw marriage between first cousins, making the United States the only developed country in which the practice is regularly banned. Most were passed in the Civil War's aftermath — not, say Spencer and Paul, to reduce the chance of defects caused by combination of deleterious genes, but as part of a radical expansion of government authority over private lives.

 

But their argument is far from consensus: in Forbidden Relatives: The American Myth of Cousin Marriage, Kansas State University anthropologist Martin Ottenheimer argues that the
bans were driven by now-discredited 19th century research on birth defects among children born to first cousins.

 

It's a form of discrimination that nobody talks about. People worry about not getting health insurance — but saying that someone shouldn't marry based on how they're related, when there's no known harm, to me is a form of discrimination," said Robin Bennett, a University of Washington genetic counselor who led the NSGC study.

story

 

A very interesting article that puts to bed the myth that children born to cousins have a higher chance of being born with defects ... and that there is absolutely nothing wrong with it scientifically.

 

It is strange though the same people who find the the perversely depraved idea of homosexuality fine and dandy (no put intended).. have their sensibilities offended by cousins marrying.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Caada la doorsha cara Ilaah bey leedahay ayey waligeed Soomaali maahmaah ka dhigan jireen markey doonayaan iney point score gareeyaan ku saabsan dhaqamadaa foosha xun een ku tacaalno.

 

 

Waxaa jirey hada ka hor, nin guursadey gabar ay habaryartiis dhashey, soo ilma habreed ma ahan horta, haa, gabadhii ayuu guursadey, wax jaceel oo dhax marey ma jirin aqoona waa la isku lahaa oo isku meel ayaa lagu soo korey, waa un la isa siiyey iyo wabillaahi tawfiiq ubad dhala iyo baraare farxad.

 

 

waxaa dhacdey dhowr todobaad ka dib gabadhii ayaa wallacdey, illeen waa meel ay wax ka soo socdaan, wallacii dumarka lagu yaqaaney maba ahan, waa mid kala joogsan waayey illaa ay xaamilo ka noqoto kadibna ay ku dhashey, wallaca noocan ah mid soo marey ama horey loo arkey maba ahanba, gabadha ku dhawaad baaldi hunqaaco ama matag ayey sii deyn jirtey, maalin walba intaas oo kale ayey sidii tuubo usii butaacin jirtey ilaa ay ka dhasho sidii bulaacad, waa cibaaro Eebbe!

 

 

ugu danbeyntii waxaa la gaarey fooshii, kaalay oo bal ka dhaliya gabadha idinku, wax ka dhaliyaa la waayey, ilmihiina waa diyaar oo lugihii ama minjihii ayaa soo jeedo oo muuqda, tab la dhaho ayaa la waayey si kastaa lugaha u jiid, dhakhaatiir habeysana ma joogin oo caloosha dhinaca ka dillaaciyo si ay u uur wareemaan raximka.

 

waxaa la iskugu yeeray wixii umuliso magaalada joogey, mid cunuga lugaha muuqda jiido, mid gabadha caloosha ka bugeeso, mid indhaha sanjabiil uga daadiso, qaar baa lahaa waliba lugahan waa luga sheydaan ee muuqda balse aan soo jiidmeenin, qaarbaa lahaa lugaha aan dib ugu celino caloosha.

 

waxaa dhacdey in meeshii nin caalim oo wadaad ahaa yimid, halkii uu khudbad ka akhriyey gabadhiina ay kala warantahay, wuxuu yiri, taariikh kooban iga siiya labadan qof ee is guursadey iyo heerkii ay gabadha soo martey, sidii baa wadaadka loogu sheegay in ay waliba gabadhan maalin kastaa oo daa'in ah fuusto iyo baaldiyaal hunqaaaco ah sii deyn jirtey iyo iney ilma habreed yihiin labadan qof.

 

wadaadkii baa yiri, allaahuma yarxamu raaximiin, ma anaan garan sheekada meeshay ka qalloocantahay, markaasuu yiri lugahaas muuqdo waxey la soo bixi waayeen waxaa weeye cunuga jilbihiisa or his/her knees ayaa ka weyn madaxiisa, it is blocked, ee dillaaciya caloosha, sidii baa mindi iyo maqas iyo sakiin wixii la heli karo la soo qaatey halkii baa gabadhii lagu jeex jeexay, meesha mucjiso ayaa ka dhacdey, cunugii wixii la moodayey laba lugood ee muuqdey hal unbey isku ahaayaan, hal lugoo laba foot leh, waxaa kaloo meesha ka soo baxey madax goonidiisa u socda oo qeebtii madaxa ayaa maqan oo gooni isu taagtey, madaxuna kolkaas wax waji ah ma laheen, waxaa kaloo meesha laga dhax helay mucjiso kaloo meel iska fadhido, waa biyo fara badan iyo dhiig xinjir ah oo meesha ka dhigtey wabi ama balli camal, illeen waa meel uu daad qaadey.

 

 

sheekada yaan badinin ee wadaadkii baa yiri hala kala furo labadan qof, wiilkii iyo gabadhii ayaa diidey oo yiri ma sharci na isku keen diidayo ayaa jiro, wadaadkii aayad quraana baar baar ayuu is yiri, wax kale markuu waayey buu yiri yarxamulaah raaximiin, orodoo na dhaaf bey ku dhaheen wadaadkii

 

 

That is to say, nothin is wrong marryin your cousins.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ Salam widaw

 

horta waa arin suurto gal ah labo qof oo isku dhow sida ilmo adeer ama ilmo ibti is guursatay .. tafiirtooda inay wax ka si noqdaan .... lakin sida cilmo baarista aan kor ku xusay ay cadaynayso ... wax u gaar ah ma ahan labada qof ee qaraabada ah ee is guursata .. hadii saami ahaan loo eego .. nisbada laga helo ilmaha wax ka si yihiin kuma eka oo kama badna dadka qaraabada ah is guursaday marka loo bar-bar dhigo dadka kale.

 

way dhici kartaa qofka inaysan sheekadan u cuntamayn lakin waxba kuma jabna ... aniga lalftaydu suurto gal igamahan habarwadaagtay inaan hunguuriyeeyo guur iskaba dhaaf .. lakin ina adeer dhib weyn ilama lahan .. sababtoo ah .. habro wadaagtee meel baan ku soo wada kornay .. arintaas waa doorasho shakhsi ah ... lakin dabicii ahaan wax ka khaldan ma jirto.

 

dad banaystay rag rag fuula .. inay ka wiswisaan qaraabo is guursato .. ayaab wax weliba ka daran.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Buuxo   

Originally posted by Geel_jire:

 

dad banaystay rag rag fuula .. inay ka wiswisaan qaraabo is guursato .. ayaab wax weliba ka daran.

Good point walaahi.

 

 

LOL@Farey,you nick aa iga qosliyey.It reminds me reason marrying your cousins is iffy :D

 

Nuune,sheekoyinkaaga maka daali.Nin wax arag badan aatehey(literally )

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this