Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Ninka calankeena ka been sheegay

Recommended Posts

Ninkaan baryahaan baraha bulshada Soomaaliyeed qabsaday, asagoo islahaa ku soo caanbax afar xaas ayaa qabaa iyo calankeena ka been sheeg.

Intuuba meel gaarin taariikhdiisa madoow la soo qufay, kuna jirto inuu dhiigyocab iyo tuug weynaaday yahay, magaciisana badashay. Wareysiga hoose fiirso, xataa si cad uma beeninaayo eedeynta wariyaasha uu ku dilay Muqdisho sodon sano ka kor.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhanka kale taariikhda calankeena iyo sida lagu sameeyey waxaa idinla wadaagaa wareysi aabahey laga qaaday sanadkii 2000. Aabahey goobjoog ayuubu ahaa markii la sameynaaye iyo sida lagu sameeyey maadaama.xubin sare ka ahaa ururkii gobonimodoonka ee SYL. 

Wargeys Kalmo la dhihi jiray, kana soo bixi jiray magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa lagu daabacay wareysiga.

Wareysiga wuu dheeraa laakiin qeybta calanka taariikhdiida ku saabsan ayaa idinla wadaagaa ee ila aqrista.

_______________

"𝑲𝒂𝒔𝒎𝒐: Bishii Apriil sanadkii 1957dii waxaa Muqdisho lagu dilay Kamaaluddin Salaax oo Masar u joogay Soomaaliya. Haddaba dilkaasi maxaad kala socotaa?

𝑺𝒉𝒆𝒆𝒌𝒉 𝑴𝒖𝒌𝒉𝒕𝒂𝒂𝒓:

Kamaaluddiin waxaa dilay nin la yiraahdo
Wiilow oo reer Luuq ah, aabihiisna waxaa la dhihi jiray Sheekh C/raxmaan Dheere. Ninkaasi wuxuu ahaa dadkii loo qaaday Masar. Xaaji Maxamed Xuseen kii Leegada madaxda ka ahaa iyo isaga dadkii kowda hore ee tacliinta loogu qaaday Masar ayay ahaayeen. Akhlaaq-xumaa loo soo eryay oo Soomaaliyaa lagu soo noqay. Waxaa laga sheegay ninkaas ka hor inuu yiri ‘Alleylehe nin Masar ah markii aan dilo unbaan aarsanaayaa sidii ay ii galeen.'

Marka Kamaaludiin la dilayo, anigu Xamar baan ka baxay oo waxaan ku sii socday Xuddur oo la ii beddelay, waxaana habeen barinay Maanyafuulka, habeenkii dambe meel Seenilow la yiraahdo ayaa baabuurkii nooga hallaabay.

Subaxdii shufeerkii (wadihii) iyo niman hunguri noo soo doonay oo beledka (Baydhabo) ku soo noqday ayaa na yiraahdeen, 'Waa la dilay Kamaaluddiin!'

Runtii Kamaaluddiin dilkiisa Talyaani
ayaa ku lug lahaa. Niman Soomaali ah oo Talyaaniga taagersanaana waa ku jireen. Kamaaluddiin gurigiisa ayuu isugu yeeray Golihii (Councilia Teritoriale) oo Talyaanigii suubiyay oo Aadan Cabdulle Cusmaan madax ka ahaa iyo nimankii axsaabta madaxda ka ahaa dhamaantood wixii pro-Italian ahaa iyo wixii ka soo horjeeday ee dawladnimo dalbaayay ayuu isugu yeeray gurigiisa, wuxuuna ku yiri:

"𝑺𝒐𝒐𝒎𝒂𝒂𝒍𝒊𝒅𝒂 𝒘𝒂𝒂 𝒔𝒉𝒂𝒄𝒃𝒊 𝒊𝒔𝒕𝒊𝒄𝒎𝒂𝒂𝒓 𝒅𝒊𝒍𝒂𝒚 𝒐𝒐 𝒏𝒊𝒚𝒂𝒅𝒅𝒂 𝒌𝒂 𝒅𝒉𝒊𝒏𝒕𝒂𝒚. 𝑻𝒐𝒃𝒂𝒏 𝒔𝒂𝒏𝒐 𝒌𝒂 𝒃𝒂𝒄𝒅𝒊 𝒙𝒐𝒓 𝒃𝒂𝒂𝒅 𝒏𝒐𝒒𝒐𝒏𝒆𝒚𝒔𝒂𝒂𝒏 𝒂𝒚𝒂𝒂 𝒍𝒂 𝒍𝒆𝒆𝒚𝒂𝒉𝒂𝒚, 𝒅𝒉𝒆𝒈𝒏𝒂 𝒖𝒎𝒂 𝒅𝒉𝒊𝒈𝒂𝒚𝒔𝒂𝒂𝒏! 𝑾𝒂𝒙𝒂𝒂𝒅 𝒚𝒆𝒆𝒔𝒉𝒂𝒂𝒏 𝒄𝒂𝒍𝒂𝒏𝒌𝒊𝒊𝒏𝒊𝒊 𝒉𝒂 𝒍𝒂 𝒔𝒖𝒖𝒃𝒊𝒚𝒐, 𝒐𝒐 𝒕𝒂𝒏 𝑻𝒂𝒍𝒚𝒂𝒂𝒏𝒊 𝒉𝒂 𝒍𝒂 𝒃𝒂𝒂𝒍 𝒔𝒖𝒓𝒐. 𝑯𝒂𝒅𝒅𝒊𝒊 𝒄𝒂𝒍𝒂𝒏𝒌𝒊𝒊 𝑺𝒐𝒐𝒎𝒂𝒂𝒍𝒊𝒚𝒂 𝒍𝒂 𝒚𝒊𝒓𝒂𝒂𝒉𝒅𝒐 𝒐𝒐 𝒂𝒚 𝒂𝒓𝒌𝒂𝒂𝒏 𝒊𝒏𝒂𝒚 𝒓𝒖𝒎𝒆𝒚𝒔𝒕𝒂𝒂𝒏 𝒂𝒚𝒂𝒂 𝒍𝒂 𝒂𝒓𝒌𝒂𝒂𝒚𝒆, 𝒄𝒂𝒍𝒂𝒏 𝒔𝒖𝒖𝒃𝒊𝒔𝒕𝒂."

Ra’yigaas isagaa keenay (Counciliyadii) ayaa ra’yigii la keenay, waana laga dooday, waana lagu heshiin waayay. Xisbi kasta calan ayuu lahaa. Calankiisii in laga dhigo ayay damceen. Leegada ayaa ugu rooneyde oo shan xiddigey lahayde oo shan Soomaali lagu ishaaraayo. Waa diideen. Nin aan maqlay waa sariir-fuul oo Kanada jooga, 𝑴𝒂𝒙𝒂𝒎𝒆𝒅 𝑪𝒂𝒘𝒂𝒂𝒍𝒆 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝒍𝒂 𝒚𝒊𝒓𝒂𝒂𝒉𝒅𝒐 𝒐𝒐 𝑮𝒐𝒍𝒂𝒉𝒂 𝒌𝒖 𝒋𝒊𝒓𝒂𝒚 𝒂𝒚𝒂𝒂 𝒈𝒖𝒓𝒊𝒈𝒊𝒊𝒔𝒂 𝒊𝒏𝒕𝒖𝒖 𝒕a𝒈𝒂𝒚 𝒔𝒐𝒐 𝒉𝒊𝒏𝒅𝒊𝒔𝒂𝒚 𝒄𝒂𝒍𝒂𝒏𝒌𝒂𝒂𝒏 𝒎𝒊𝒅𝒂𝒃𝒌𝒂𝒂𝒏 𝒍𝒆𝒉, 𝒙𝒊𝒅𝒅𝒊𝒈𝒕𝒂 𝒔𝒉𝒂𝒏𝒕𝒂 𝒈𝒆𝒆𝒔 𝒍𝒆𝒉. 𝑺𝒂𝒂𝒌𝒂𝒚 𝒐𝒐 𝒌𝒂𝒍𝒆 𝒂𝒚𝒖𝒖 𝒔𝒐𝒐 𝒇𝒂𝒓𝒊𝒊𝒔𝒕𝒂𝒚, 𝒉𝒂𝒅𝒂𝒍 𝒃𝒖𝒖 𝒔𝒐𝒐 𝒋𝒆𝒆𝒅𝒊𝒚𝒂𝒚, 𝒘𝒖𝒙𝒖𝒖 𝒚𝒊𝒓𝒊, ‘𝑾𝒂𝒂 𝒕𝒊𝒊 𝒂𝒂𝒏 𝒌𝒖 𝒉𝒆𝒔𝒉𝒊𝒊𝒏 𝒘𝒂𝒚𝒏𝒂𝒚 𝒄𝒂𝒍𝒂𝒏𝒌𝒊𝒊. 𝑲𝒂 𝒘𝒂𝒓𝒓𝒂𝒎𝒂 𝒄𝒂𝒍𝒂𝒏 𝒉𝒂𝒅𝒅𝒂 𝒌𝒂 𝒉𝒐𝒓 𝒂𝒂𝒏 𝒍𝒂 𝒂𝒓𝒌𝒊𝒏, 𝒙𝒊𝒔𝒃𝒊 𝒔𝒖𝒖𝒃𝒔𝒂𝒅𝒂𝒚𝒏𝒂 𝒂𝒂𝒏 𝒍𝒂 𝒂𝒓𝒌𝒊𝒏, 𝒉𝒂𝒅𝒅𝒂𝒂𝒏 𝒃𝒂𝒏𝒅𝒊𝒊𝒓𝒂𝒅 (𝒄𝒂𝒍𝒂𝒏) 𝒌𝒂 𝒅𝒉𝒊𝒈𝒂𝒏𝒏𝒐 𝒎𝒂𝒙𝒂𝒂𝒅 𝒌𝒂 𝒒𝒂𝒃𝒕𝒂𝒂𝒏?’

‘Waa fiican tahay,' ayaa la yiri. 𝑱𝒆𝒆𝒃𝒌𝒊𝒊𝒔𝒖𝒖 𝒌𝒂 𝒔𝒐𝒐 𝒃𝒊𝒙𝒊𝒚𝒂𝒚, 𝒔𝒊𝒅𝒂𝒂𝒔 𝒂𝒚𝒖𝒖 𝒖 𝒕𝒂𝒂𝒈𝒂𝒚, 𝒔𝒂𝒄𝒂𝒃𝒂𝒂 𝒍𝒂𝒈𝒖 𝒕𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒚. 𝑰𝒏𝒕𝒂𝒂𝒔 𝒊𝒚𝒐 𝒘𝒂𝒙 𝒍𝒂 𝒎𝒊𝒅 𝒂𝒉 𝒊𝒚𝒐 𝒌𝒂 𝒃𝒂𝒅𝒂𝒏 𝒂𝒚𝒖𝒖 𝑲𝒂𝒎𝒂𝒂𝒍𝒖𝒅𝒅𝒊𝒊𝒏 𝒔𝒖𝒖𝒃𝒊𝒏𝒂𝒂𝒚𝒂𝒚.

Waxa Talyaaniga kula colloobay taas ayey ahayd, nimankaan dilayna Talyaani ayaa soo diray."

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coofle   

His hustle backfired bad. 

Thanks for Sharing the snippet of the interview MMA

Horta imisa dilaa iyo dhiigyo cab ayaa ina dhex socda? ilayn boqolaalka kun ee la dilay barigii dagaalka sokeeye kuwii dilay meeye? 

  • Like 1

Share this post


Link to post
Share on other sites
22 hours ago, Coofle said:

His hustle backfired bad. 

Thanks for Sharing the snippet of the interview MMA

Horta imisa dilaa iyo dhiigyo cab ayaa ina dhex socda? ilayn boqolaalka kun ee la dilay barigii dagaalka sokeeye kuwii dilay meeye? 

Soomaaliya waxee la degi, salka la dhigi la'dahay dadkaan dambiyada waa weyn soo geystay ayaa wali bulshada ku dhex nool, qaarkoodna wadaado iska dhigaayo. Xaalka ma sahlano.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Khadafi   

Yaab badanaa, Subxan Allaaah.

How can he have the audacity to come to the TV:sets with his blood stained hands, allegations of murder.

Share this post


Link to post
Share on other sites
26 minutes ago, Khadafi said:

Yaab badanaa, Subxan Allaaah.

How can he have the audacity to come to the TV:sets with his blood stained hands, allegations of murder.

Bilo ka dhex qaylinaysa, iyo dunuub, he was deported from  many western countries 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.