Sign in to follow this  
Abwaan

Qoys dhan oo ayagoo nool lagu gubay guri ay ka daganaayeen koonfurta magaalada Gaalka

Recommended Posts

Abwaan   

Muqdisho,14,March-07 (Qaadisiya.com) Xasuuq aan horey loo arag ayaa ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug kadib markii nolosha lagu gubay qoys ka kooban 4 qof oo ku dhaqnaa koonfurta magaalada Gaalkacyo taasoo ah arxan darro ku cusub dalka Soomaaliya oo muujinaysa heerka ay gaartay colaada ay hurinayaan dad wax ma garato ah oo shisheeye kalkaal ah.

 

 

 

Ayeeyo, Hooyo uur leh iyo gabar iyo wiil ay dhashay ayaa la xaqiijiyay in xalay nolol lagu gubay qoyskaasi oo ku dhaqnaa xaafada cagaaran ee koonfurta magaalada Gaalkacyo kadib markii gaas lagu bil bilay gurigooda kadibna dab lagu qabtay taasoo keentay in dadkaasi ay ku basbeelaan dabkaasi.

 

 

 

Goob jooge ka mid ah dadka soo barakacay ee ku dhaqan koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in todabaadkii laga soo gudbay la gubay 485 guri oo ay ku dhaqnaayeen dad ka soo barakacay koonfurta Soomaaliya, isagoo tilmaamay xasuuqii arxan darrada ahaa ee lagu la kacay qoyskaasi uu muujinayo cadaawada loo qabo sida uu sheegay dadka ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya, isagoo dalbaday in lagu saacido sidii ay dib ugu laaban lahaayeen dhulkooda.

 

 

 

Boqolaal ka tirsan dadka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ayaa gaaray goobta xasuuqa uu ka dhacay ayadoo wajiyadooda laga dareemayay caro iyo murugo ay ka qaadeen xasuuqa ka dhacay magaaladooda ayagoo sheegay in ay si weyn uga xun yihiin xasuuq wadareedka loo gaystay qoyskan.

 

 

 

Waa markii ugu horreysay oo la maqlo qoys dhan oo nolosha lagu gubo,ayadoo falkaasi ay ka argagaxeyso qof kasto oo muslim ah tacadiga lagu kala kacay qoyskaasi INAA LILLAAHI WA INAA LILLAAHI RAAJICUUN.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hawdgirl   

Subxaanalaah, warkaan war la hubo

ma yahay? waxaan wax dhici kara

oo maskax bani-aadam gali kara maba ahane,

hadii ay arintani run tahay

Ilaah baan ku dhaartee wixii ku kacay falkaan

hoog ayaa u sugnaadey, I hope that this news is hoax, because it is hard to believe, very hard to believe indeed!

If this is true then we are far worse then the Hutu-Tutsi civil war in Rwanda...

Ilaahoow Noo naxariiso dhamaanteen...Aamiin

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taliban   

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileyhu Raajicuun. May Allah have mercy on the victims and reward them with the highest prize, aamiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this