Recommended Posts

Caydiid iyo Qeybdiid waa maqalnee ee Soordiid ayaa reerka u soo baxsay.

Rooble oo u gooyey casho sharaf loogu sameeyey madaxtooyada Puntland

Ra’iisul Wasaraaha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa u gooyey xaflad casho sharaf sagootin ah oo loogu sameeyey Aqalka madaxtooyada Puntland ee Garoowe, taasi oo ka yaabisay dadka Puntland.

Rooble ayaa taa beddelkeeda waxa uu booqasho ku tegay qaar ka mid ah goobaha dadweynaha ee Puntland.

Qoraal uu soo dhigay facebook ayuu Rooble ku yiri “Waxaan caawa waqti la qaatay shacabka magaalada Garowe oo aan ugu tagay goobaha bulshadu ku kulmaan iyo xarumahooda ganacsiga. Waxaan kula dardaarmayaa in ay ilaashadaan nabadda iyo horumarka ay haystaan, ugana mahadceliyay soo dhaweyntii diirraneyd ee aniga iyo wafdigeyga.”

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Rooble uu xubno ku dhow u sheegay in haddiiba aysan heshiis siyaasadeed gaarin isaga iyo madaxda Puntland, aysan jirin sabab uu uga qeyb-galo xaflad casho sharaf ah.

Si kastaba, arrinta layaabka leh ayaa ah in Rooble uusan madaxda Puntland u sheegin inuusan ka qeyb-galeyn xafladda, islamarkaana uu gooyey xilli la sugayey, sida ay ilo-wareedyo ka tirsan madaxtooyada Puntland u sheegeen Caasimada Online, taasi oo masu’uulyad iyo xushmad darro lagu qeexay.

Xafladda ayaa waxaa si kastaba ka qeyb-galay inta badan wafdigii wasiirada ahaa ee Rooble ku wehliya safarka Garoowe.

Dhinaca kale, warar ayaa sheegaya in Rooble laga soo amray madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho, laguna war-geliyey inuusan tegin xafladdaas, kadib markii uu hirgeli waayey qorshihii Puntland looga raadinayey heshiis aysan qeyb ka aheyn Jubaland.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

This why casha sharafta gas loogu siiyey:

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo heshiis la'aan uga ambo baxaya Puntland

Raysal Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka tagaya magaalada Garowe, iyadoo aysan jirin wax heshiis ah oo laga gaaray khilaafkii dhinaca doorashada ee kala dhaxeeyay Puntland.

Raysal Wasaaraha ayaa safar lug ah ugu ambo baxaya magaalada Gaalkacyo, isagoo usii gudbidoona dhinaca Galmudug, halkaas oo kusii sugnaandoono muddo labo cishe.

Raysal Wasaaraha wuxuu tegidoonaa Dhuusomareeb, isagoo wadatashi la yeelandoona madaxda Galmudug.

Ilo wareed ayaa sheegaya in khilaafka siyaasadeed ee doorashada lagu xallindoono shir kale oo magaalada Muqdisho iskugu imaandoonaan  madaxda dowladda federalka iyo dowlad goboleedka.

Heshiiskii siyaasadeed ee doorashada ee la galay bishii september ee sannadkan, ayaa lagu wadaa in dib loo furo, iyadoo masuuliyiinta ka doodi doonaan qodobo heshiiska ku jira.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Dr. Deni, dhalasho yaa jiidanaysa, madaxdaas masiirka dalka soomaaliya ugu timid waxuu u haystaa inay casho usoo doonteen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.