Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo faah faahisay dadaallada ay ka wado Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Kadib kulan ay wada qaateen odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan iyo xubno ka socday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo uu hogaaminaayo wasiirka arimaha gudaha, Muqtaar Xuseen Afrax ayaa lagu gaaray heshiis horudhac ah oo ka kooban illaa 4 qodob.

Qodobada lagu heshiiyey ayaa waxaa ka mid ah:- 1: In Wasiirka Arrimaha gudaha uu Odayaasha u ballan qaaday in Madaxweynaha Hir-Shabeelle tegi doonin Beledweyne ilaa xal laga gaaro khilaafka jira iyo tabashada ay qabaan Reer Hiiraan.

2: In Ciidamada Dowladda aysan awood Ciidan u adeegsan doonin dadka diidan dhismaha Maamulka Cusub ee Hir-Shabeelle, kuwaas oo maalamahaan banaanbaxyo ka waday Magaalada Beledweyne.

3: Wasiirka Arrimaah Gudaha ayaa Odayaasha Dhaqanka ka dalbaday inay xiisada dejiyaan sidoo kalena ka qeyb qaataan sidii loo furi lahaa wadooyinka ay xireen dadka banaanbaxa ka dhigayay Magaalada Beledweyne.

4: In Odayaasha Dhaqanka ay Wasiirka u keenaan Warqad ay kusoo qorayaan tabashada ay ka qabaan Maamulka Hir-Shabeelle si uu ugu gudbiyo Madaxda Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Wasiirka arrimaha gudaha oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dadaallada xal raadinta ah ee ay ka wadaan magaalada Beledweyne.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay kulamo la yeelan doonaan qeybaha kale ee bulshada, sida Culimada iyo Haweenka.

Ugu dambeyn wuxuu shaaca ka qaaday inay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo nabadda iyo xasiloonida gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this