Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha wasiirada Soomaaliya oo maanta yeelanayo kulan deg deg ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa saacadaha socda magaalada Muqdisho ku yeelan doono kulan aan caadi aheyn, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Kulankan oo uu shir guddoomin doono ra’iisul wasaaraha  Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa looga hadli doonaa doorashada iyo arrimaha Jubbaland.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in kulanka laga soo saari doono go’aanno ka dhan ah Jubbaland, islamarkaana ku aadan doorashada, si looga hortago inuu dib u dhac yimaado.

Soomaaliya ayaa isku diyaarineyso doorasho guud oo isugu jirto tan baarlamaanka iyo madaxweynaha, balse weli waxaa jira muran ka taagan guddiyada doorashooyinka dalka.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this