Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey xaaladda Beledweyne oo saaka degan

Recommended Posts

Deeq A.   

Iyada oo la fulinayo amarkii wasiirka arimaha gudaha ayaa waxaa dib xeryahoodii ugu laabtay askar ku sugan magaalada beledweyne waxaana sidoo kale  wadooyinka magaalada laga qaaday dhagxaan ay qaar ka mid ah dadka magaalada ku gooyeen maanta

Xaalada magaalada ayaa degan waxaana arintan ay ka danbeysay kadib markii uu wasiirka arimaha gudaha ugu baaqay shacabka in ay nabada ka shaqeeyaan.

Wasiirka Wasarradda Arrimaha Gudaha  Fedaraalka Iyo Dib-u -Heshiisinta General Mukhtaar Xussen Afrax ayaa shir Jaraaid u qabtay Ugu  Mahadceliyey shacabka Magaalada Baladweyne,  sida qiimaha leh ay uso dhaweeyen isaga iyo wafdigiisa,  uguna baaqay in nabad galyada iyo Xasiloonida la wada ilaaliyo.

Wax kasto oo tabasha ah lagu dhameeyo miiska wada hadalka, isaga oo cadeeyey in uusan Gobolka ka laaban doonin  iyada oo aan xal waara  Laga gaarin tabashooyinka taagan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this