Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobay oo war cusub ka soo saartay dagaalka Tigray

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaramada Midoobay oo war cusub ka soo saartay dagaalka Tigray

Q/Midoobe oo war cusub ka soo saartay dagaalka Tigray

Qaramada Midoobey ayaa markale walaac xoogan ka muujisay dagaalka ka socda qeybo kamid ah gobolka Tigray, xili ay xukuumadda Abiy Axmed ay shaacisay in lasoo afjaray dagaalkaas.

Waxay sheegtay in dagaalka ka socda meelo ka tirsan waqooyiga Itoobiya uu saameyn xoogan ku yeeshay howlaha gar-gaarka ee kaalmada bini-aadanimo, ee hay’addu gaarsiin laheyd shacabka gobolka Tigray.

Saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobey ayaa xaqiijiyey inay xiligan adag tahay in gudaha loo galo gobolka Tigray, si kaalmo loo gaarsiiyo, xili ay dhawaan dowladda federaalka Itoobiya la saxiixatay heshiis gar-gaar lagu gaarsiinayo shacabka gobolkaas.

Arrintan ayaa imaneysa xili ay dadka ku nool caasimadda Mekelle ay soo wariyeen in dagaallo ay weli ka socdaan deegaanada dhaca duleedka caasimadda, inkasta oo ay dowladda sheegtay in lasoo afjaray colaadda.

Gobolka Tigray ayaa weli ku jira go’doon, xili xukuumadda Abiy ay sheegtay inay si buuxda ciidamadeedu ula wareegen caasimada gobolka Tigray ee Mekelle iyo deegaanada maamulkaasi, isla markaana ay ka shaqeynayso dib u dhiskeena.

Si kastaba, waxa isasoo taraya walaaca laga qabo xaaladaha bini-aadanimo ee ka jira gobolka Tigray, xili lagu soo waramayo inay ka go’an yihiin adeegyadii aasaasiga ahaa ee Korontada iyo Biyaha, iyada oo hore looga jaray isgaarsiinta iyo internet-ka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this