Che -Guevara

Somalia Kicked out Kenya Ambassador

Recommended Posts

gooni   

Aragtidayda

Kenya waxay ku cadaadinaysaa soomaaliya sidii xal loogu heli lahaa jaadka miirowga.

Ganacsato badan yaa uhuru ka codsatay inuu hargaysa oo gooni goosad ah suuq uga doono.  

Waa intaa kaliya waxa snm ku sheegayso iskaashiga labada dal.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Emergency IGAD meeting is on in Jabuuti:

Madaxweyne Farmaajo oo maanta safar ka ah Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu maanta oo Jimce ah uu socdaal ugu baxo dalka Jabuuti, xilli xaaladda siyaasadeed ee dalka ay kacsan tahay.

Madaxweynaha ayaa Jabuuti uga qeyb galaya shir madaxeedka ururka IGAD, kaasi oo looga hadlayo xaalada gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, oo dhowaan ay qabsadeen ciidamada Abiy Ahmed ay dagaal ugala wareegeen ururka TPLF.

Shirkaas ayaa waxaa sidoo kale looga hadli doonaa ashtako ay Soomaaliya ka gudbisay Kenya, oo ay ku eedeysay inay faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya, iyo tallaabadii dhowaan dowladda Soomaaliya xiriirka ugu jartay Kenya.

Ra’iisul Wasaaraha Sudan Abdalla Hamdouk ayaa Axadii booqasho ku tagay Addis Ababa, waxaa uu sheegay in isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya isku raaceen shir degdeg ah oo looga hadlayo dhibaatada ka jirta Tigray.

Sidoo kale, wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa 13-kii bishan sheegtay “in ayada oo

Laga jawaabayo dhambaalka ka dhanka Kenya ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u gudbisay Mudane Cabdalla Xamduuk, uu shir madaxeed ku qabanayo Jabuuti 20 December.”

Safarka Farmaajo ee Jabuuti ayaa imanaya ayada oo xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan Muqdisho ay qasan tahay, kadib markii ciidamada dowladda shalay hareereeyeen xaafadaha ay degan yihiin musharaxiinta mucaaradka.

Sidoo kale, ciidamada Amniga dowladda Soomaaliya ayaa xalay joojiyey xaflad lagu taageerayay Musharax Madaxweyne Mustaf Dhuxulow oo lagu qaban lahaa Hotelka Afriik oo ku yaalla agagaarka Isgoyska KM4.

Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata mid go’aansatay inay caburiso oo ay cadaadiso musharaxiinta, waxaana laga digayaa in tani ay horseedi karto isku dhacyo iyo magaalada ay ka dhacaan dagaallo.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites
2 hours ago, Che -Guevara said:

 

We don't have elites. We have qabyaaladist faux national so-called leaders who only see their narrow at-the-moment ambition. Country, people, land and sea damned if they can sell it to highest and gain power.

  • Like 1

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.