Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya oo war cusub kasoo saartay dagaalka Tigray

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Itoobiya ayaa markale ka hadashay dagaalka xoogan ee ay kula jirto maamulka TPLF, kaasi oo maraya meel xasaasiya, iyada oo ay fashilmeen dadaaladii lagu dhex-dhexaadinayay labada dhinac.

Wasiirka Maaliyada dowlada Itoobiya, Axmed Shide oo arrintaasi ka hadlayay ayaa sheegay in ciidamada millaterigu ay sida ugu dhaqsaha badan u soo geba-gebayn doonaan dagaalka ka socda gobolka Tigrayga.

Axmed Shide ayaa ku adkeystay in dagaalka ay xukuumada Abiy Axmed ku qaaday maamulka Tigrayga uu yahay mid sharci ah, maadama uu ku dooday inay madaxda TPLF ka baxeen xayndaabka dowladnimo.

Wasiirka oo wareysi siiyey wakaalada France 24 ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dagaalada xiligan ka socda gobolka Tigray uu yahay mid ay xukuumadiisu kusoo celinayso ‘amarka iyo kala dambeynta’.

“Howlgaladan waa mid amarka iyo kala dambeynta lagu soo celinayo ujeedkiisana uu yahay in jabhadda TPLF looga badbaadinayo shacabka Tigray” ayuu yiri Wasiir Axmed Shide.

Axmed Shide ayaa wax laga-xumaado ku tilmaamay xasuuq uu sheegay inay maamulka TPLF ka geysteen magaalada Mai-Kadre, midkaasi oo ay ku ladeen boqolaal dad rayid ah.

Sidoo kale waxa uu eedeymo la xiriir tacadiyo ka dhan ah bini-aadamka u jeediyay ciidamada maamulka Tigray oo uu sheegay inay si arxan darro ah u geystaan falal laga yax-yaxo.

Inkasta oo ay adag tahay in la xaqiijiyo xadiga tacadiyada ka dhacay gobolka uu dagaalku ka socda ee Tigray, ayaa haddana waxa soo baxaya in xasuuq badan uu ka dhacay gudaha gobolkaasi, iyada oo labada dhinac ee ku dagaalsan uu midba ka kale dusha u saaro mas’uuliyada falalkaasi.

Si kastaba, dagaalka Tigray ayaa kasii daray, kadib markii ay xukuumada Abiy Axmed ay sheegtay inay qabsaneyso caasimada ismaamulkaasi, isla markaana ay sharciga horgeynayso madaxda TPLF, taasi oo ay ka biyo diideen madaxda maamulkaasi.

The post Itoobiya oo war cusub kasoo saartay dagaalka Tigray first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this