Sign in to follow this  
Deeq A.

QM oo soo saartay farriin deg-deg ah oo la xiriirta doorashada 2020/21

Recommended Posts

Deeq A.   

Ilo wareedyo ka tirsan xafiiska siyaasada QM ee xaruntooda ku taalla xerada Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa Shabelle u sheegay in lagu amray wakiilada QM u qaabilsan M/Goboleedyada in ay xiriir la sameeyaan guddomiyeyaasha baarlamaanada dowlad gobaleedyada dalka.

Ujeedka xiriirka ayaa ah in Qaramada Midoobay ay dooneyso in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu guda-galo dadajinta hanaanka doorashada ee 20/21.

Sidoo kale waxaa Shabelle lala wadaagay xogta ah in xafiiska siyaasada ee QM uu guddoonada baarlamaanada maamul-goboleedyada diyaar ula yahay bixinta dhammaan lacagaha ku baxaya doorashada Senat-ka.

Wararka la helayo waxa ay sidoo kale intaasi ku darayaan in toddobaadkan gudihiisa la filayo in Garowe iyo Kismaayo ay tagayaan wafdi ka socda Qaramada Midoobay, gaar ah arrimaha siyaasada (UN political Office in Mogadishu), si xal loogu helo tabashada labadaasi maamul.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this