Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Murashax Jabril Ibrahim Cabdulle oo si diiran loogu soo dhaweeyay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Mid ka mid ah murashaxiinta ugu tunka weyn doorashada 2021 ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho. Jabril Ibrahim Cabdulle ayaa waxaa soo dhaweyntiisa ka qeyb qaatay siyaasiyiin, dhalinyaro, bulsharada rayidka ah & haweenka magaalada Muqdisho.

Soo dhaweynta oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimayay waxaa shacabka Gobolka Banaadir aay safnaayeen aafafka hore ee wadada garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Murashax Jabril oo saxaafadda kula hadlay Hotel Royal Palace ayaa sheegay in uu maalmaha soo socdo ku dhawaaqi doono in uu yahay Murashax u taagan xilka Madaxweynaha JFS.

Jabril Cabdulle ayaa ku nuux nuuxsaday in loo turo shacabka Soomaaliyeed isagoo dowladda & mucaaradkaba ka codsaday in la yareeyo hadalada xanafta leh ee keeni kara in colaad sokeeye dib loogu noqdo, wuxuuna ballan qaaday in uu awoodda dowlanimo ku soo celin doono shacabka haddii uu ku guuleysto xilka Madaxweyne, wuxuuna ballan qaaday in aay dalka ka dhici doonto doorasho qof iyo cod ah.

Jabril Cabdulle oo ka mid ah murashaxiinta dhalinyarada ah ee isku soo taagaya xilka sare ee Madaxweyne, ayaa aqoon durugsan u leh dib u heshiisiinta & dowlad wanaagga, wuxuuna la soo shaqeeyay dhammaan dowladahii ku meel gaarka ahaa tan & sanadkii 2004.

Jabril oo madax ka soo noqday hay’adda CRD ayaa lagu xusuustaa dib u heshiisiintii uu ka sameeyay gobolada dalka intii aay jirtay burburkii dowladnimo, waana aasaasihii ururada bulshada ee ka jira dalka.

jabril5.jpegjabril10.jpegjabril13.jpeg jabril14.jpeg jabril9.jpegjabril11.jpeg jabril12.jpeg jabril8.jpeg jabril7.jpeg jabril6.jpeg

The post Daawo: Murashax Jabril Ibrahim Cabdulle oo si diiran loogu soo dhaweeyay Muqdisho first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this