Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Muuse Suudi: "Waa naga ceshan waayeen Fahad iyo Mahdi..."

Recommended Posts

Hadduu qabqablihii weynaa Muuse Suudi Yalaxoow ka calaacalay labadaan, they must be doing something good then.

Muuse Suudi: “Reer (magac qabiil) iyo Reer Waqooyi waa naga ceshan waayeen Fahad iyo Mahdi, balse…”

Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa ka hadlay khilaafka ka dhashay arrimaha doorashada dalka, isagoo aad u eedeeyey ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed iyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin.

Waxa uu sheegay in labadaas nin uu mudo dheer ka xishoonayey, balse hadda kadib aan loo dul waadan doonin, isagoo ku eedeeyey inay siyaasadda dalka ku cayaarayaan.

“Mahdi Guuleed Reer Waqooyi waa naga celi waayeen, hadii Amxaaro leedahana waa naga celi weysay, anagu inaan sii dhowranana af-maaha,” ayuu yiri Muuse Suudi.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri, “Fahad Yaasiin Rreer (magac qabiil) waa naga cesha waayeen, waxa dalkeenna ku cayaarayana waa isagaa la leeyahay, anigoo og in labaduba aysan eeda laheyn ee uu Farmaajo yahay ninka dalka ku cayaaraya, balse jecel in eeda hoostiisa laga qaado,” ayuu yiri Senator Muuse Suudi.

Senatorka ayaa sheegay in musharaxiinta uu Muqdisho shirku uga socdo ee diidan sida ay wax u socdaan ay uga damqasho badanyihiin sida wax loo maamulayo.

“Dadka  shiraaya waa ka qandho badanahay, waxaana uga qandho badanahay, dalka lagu cayaaraayo iyo dadka tirada badan ee aamusan, deeqdoodana la cunaayo ayaan ka qandhanahay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Senator Muuse Suudi Yalaxow.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidanka Qaranka la beeleeyey, isla markaana la beegsaday kuwii ka soo jeeday hal beel, sidoo kale waxa uu sheegay in si loo dhimo awooda ciidankaas marar badan loo diray meelo khatar ah oo miinooyin lagu laayey, sida uu hadalka u dhigay.

Ragga xukumada booliska iyo Nabad sugidda yaa waaye, ciidanka Qaranka meeqa ayey ku leeyihiin, shilin ayaan kugu gumeysanaa wax soconaaya maaha, sababtoo ah canshuurta dadkoodaa laga qaadaa, gobolkiisii ciidan ayuu leeyahay oo talis u gooni ah ayuu leeyahay, kaagana isagaa xukumaaya, wax la qaadan karo maaha” ayuu yiri Senator Muuse Suudi oo ka tirsan golaha Aqalka Sare.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Qabqable waa la yaqaan waa dagaal ooge lagu abaal mariyay inuu senator noqdo si shartiisa looga yareeyo cibaadka.

Gudoomiyaasha ururada bulshadu maxay yihiin?!

Aduunka Usc niman ka shaati badan waa la waayay, waa nimanka kaliya oo aan la tusi karin nadaam iyo cadaalad si ay u lacagaystaan.

Sodon sano miyaysan ku filnayn oo ay hogaanka dalka hayeen?

bini-adamku waxa kaliya oo uu ka dhargi karo waxaa jira ciidda, markuu dhinto, si kale looma dharjin karo.

Aragtidayda waa laga shar badan yahay caqligooda unbaa suuq madaw iyo boob ku qufulmay.

laakiin waxaa la rabay inay nin kaliya daba istaagaan si aamusnaan iyo edeb leh,hadhow markuu guulaystana ay weelashooda soo qaataan sidii horayba loogu yiqiinay.

Waxay u ordayaan soo un xaraash ma'ahan?

Tuug waxaa ugu liita kan dadkii oo soo jeeda indho adayg lasoo hor istaaga.

Gartu ilaahay bay taqaan, ee qabiil ma taqaan, nimankan hogaan soomaaliyeed ma qaban karaan, xaqiir qabiilayste ah ma ahi alaa og.

walaalayaal keena nin farmaajo badeli kara oo dalkeena horay u wada,  ama aamusa oo gar qaata xafladaha arooska kaliya hoteelada uga qayb gal inta noloshiina ka hartay.
 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.