Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoonka Baarlamaanka Hirshabelle oo ballan qaaday arrin lama filaan ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimadda Online) –Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle mudane Cabdixakiin Luqmaan ayaa ballan qaaday in xukuumadda hadda loo dhisay maamulkaas ay muddo afar sano ah wada shaqeyn doonaan.

Gudoomiyaha wuxuu sheegay iney afarta sano ee soo socota ku wada shaqeyn doonaan is qabqabsi la’aan, xasilloni iyo mooshin la’aan.

Sidoo kale wuxuu bulshada rayidka ah uga mahad celiyay sidii ay qeyb weyn uga qaateen in la sugo amniga goobta doorashada iyadoo lagu jiro xilli xasaasi ah, wuxuuna carabka ku adkeeyay in Hirshabeelle ay gali doonto marxalad cusub.

Isagoo bulshada reer Hirshabeelle la dar-daarmaaya wuxuu sheegay ineysan wada shaqeynta ku ekaanin maalmahii doorashada oo ay sii wadaan si loo gaaro guulo kale oo wax ku ool ah.

Gudoomiyaha Baarlamaanka wuxuu sidoo kale sheegay in qorshahooda yahay iney maamulka ka dhigaan mid ka duwan sidii hore, isla markaana ay sameeyaan wada shaqeyn buuxda oo dhexmarta dadka ay talada ka dhaxeyso iyo bulshada si loo gaaro hiigsigooda ah in lagu wada noolaado xasilooni.

The post Gudoonka Baarlamaanka Hirshabelle oo ballan qaaday arrin lama filaan ah first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this