Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle

Recommended Posts

Cali Guudlaawe oo ku guuleystey doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle

WhatsApp-Image-2020-11-10-at-17.17.14.jp

Doorashada Madaxweynaha dowlad goboledka Hirshabelle oo goordhow soo dhamaatay ayaa loo doortay Madaxweynaha afarta sano ee soo socota Cali Cabdulaahi Xuseen.

Doorashadan ayaa waxa uu madaxweyne ku xigeenkii hore ee Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen uu helay codad gaaraya 86 cod halka musharaxii la tartamayay ee Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan  uu helay codad gaaraya 13 cod.

Musharaxii la tartamayay Cali Cabulahi Xuseen ee Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan  ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha afarta sano ee soo socota ee Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen.

Waxaa goordhow la galayaa doorashada madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle iyadoo ay ku tartayamayaan Maxamed Maxamuud Cabdule iyo Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cali Guudlaawe oo loo doortay madaxweynihii saddexaad ee dowlad Gobolleedka Hirshabeelle

Cali Cabdullaahi Xusseen Cali Guudlaawe ayaa goor dhaw loo doortay madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle doorasho ka dhacday magaalada Jowhar.

Cali Guudlaawe ayaa helay 86  cod halka musahrixii la tartamayay Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan uu helay uu helay cod 13 guud ahaan 99 xildhibaan ee codadkooda dhiibtay

Madaxweynaha saddexaad ee dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa horeyba loo sii saadaalinayay in uu ku soo bixin doono doorashadan oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirro iyo Xildhibaannno ka tirsan Dowladda dhexe ee federaalka.

Goor dhaw ayaa lagu waddaa in loo gudbo doorashada madaxweyne ku-xigeenka oo ay ku tartami doonaan Yuusuf Axmed Hagar –Dabageed iyo Wasiir hore Maxamed Maxamuud Cabdulle [Maxamed Dheere]

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xasan Sheekh iyo Shariif oo shaaciyey mowqifkooda doorashada Guudlaawe

Qoraal uu soo saaray Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa hambalyo loogu diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka la doortay ee dowlad goboleedka HirShabeelle.

Doorasho maanta ka dhacday magaalada Jowhar ayaa Cali Cabdullahi Xuseen (Cali Guudlaawe) loo doortay madaxweynaha afarta sano ee soo socota hoggaamin doona HirShabelle, halka ku xigeenkiisa loo doortay Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed).

“Xisbiga Himilo Qaran wuxuu bogaadinayaa dadaalka lagu bixiyay dhismaha maamulka HirShabelle oo uu ugu horreeyaan safarradi nabadaynta ahaa ee uu Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ahna Madaxweynihi hore ee Dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed ugu noqnoqday Magaalo Madaxda Maamulkaas ee Jowhar,” ayaa lagu yiri qoraalka Xisbiga Sheekh Shariif.

Bulshada reer HirShabeelle iyo dowladda federaalka ayaa qoraalkan looga dalbaday inay garab istaag u muujiyaan madaxda cusub ee maanta lagu doortay Jowhar.

“Waxaan Alle uga baryaynaa inuu u fududeeyo howlaha loo idmaday, Madaxda la doortayna waxaan kula dardaarmaynaa inay u istaagaan Fulinta howlaha bulshadu ka sugayso, sidoo kale Bulshada HirShabelle iyo Dowladda dhexe waxaan ugu baaqaynaa inay u muujiyaan garab istaag iyo wadashaqayn guul horseedda,” ayuu ku sii daray qoraalka Xisbiga Himillo Qaran.

Dhanka kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga hambayo ugu diray Madaxweynaha cusub iyo ku xigeenkiisa ee maanta HirShabeelle loo doortay.

“Hambalyo madaxweynaha la doortay ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) iyo Madaxweyne ku xigeenka Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed)” ayuu yiri.

Qoraalka Xasan Sheekh ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan bogaadinayaa dadaalka ay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshadu ku bixiyeen dhismaha maamulka.”

Ugu dambeyntii Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa madaxda cusub “Alle uga baryay inuu u fududeeyo howlaha loo idmaday, isagoo ku baaqay in la garab istaago maamulka cusub, si ay u xaqiijiyaan rajada shacabka.”

Madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh oo ku mideysan Madasha Xisbiyada Qaran ayaa aad u mucaarada siyaasadda dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo, balse waxay doorashada HirShabeelle ka yihiin isku mowqif, sida ku cad qoraaladooda.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.