Che -Guevara

America Celebrates

Recommended Posts

gooni   


Donald Trump was great president my view.

wuxuu lahaa dhaqanka reer guuraaga oo sheega wuxuu kuu qabo.

Halka Democrats ka dhahaan give them big smile.

jamhuurigu waa muxaafid intaan ka fahmay.

Democrats'kuna waa dhaqan tuur.

Gaal dhaqan leh waa ka fiican yahay mid aan lahayn, codka soomaalida u codaysay Democrats waa khasaariyeen.
 

Share this post


Link to post
Share on other sites
8 hours ago, gooni said:


Donald Trump was great president my view.

wuxuu lahaa dhaqanka reer guuraaga oo sheega wuxuu kuu qabo.

Halka Democrats ka dhahaan give them big smile.

jamhuurigu waa muxaafid intaan ka fahmay.

Democrats'kuna waa dhaqan tuur.

Gaal dhaqan leh waa ka fiican yahay mid aan lahayn, codka soomaalida u codaysay Democrats waa khasaariyeen.
 

Masaakiinta Dhadhaab iyo Kaakuuma qoraxda ku dileyso oo dhoof Mareykan sugaaye haddaa ka mid ahaan lahayd saan uma hadli lahayn, Gooni. Masaakiin badan ayaa sanadooyin laga baajiyey reerahooda la midoobaan, kuwa kalena dhoofkooda laga joojiyey ilaa hadda sugaayo. Boqolaal kun qaxooti sanadkii Mareykanka imaan jiray. Ninkaana wuxuu ka dhigay toban kun meelahaas oo wada badan dad aanan heysan diinta Islaamka.

Heerka sare ee naceybka uu Muslimiinta guud ahaan iyo Soomaalida gaar ahaan u qabo ninkaas waalan haddaa ogtahay saan uma hadli lahayn.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

MMacaruuf.
Waan kugu khilaafsanahay anigu waxaan kasoo horjeedaa in dalalka gaalada loo hijroodo ama nolol laga doonto.

kuwa qoyskayga ka jirana caruurtoodii yaan soomali ahayn dhaqan ahaan kuna noolaan karin soomaaliya.

Waan ka xishooday inaan ku dhaho kuwaas hadiyad u siiya ee adinku soo noqda.

Waxaan qiimihii ka qaadnay dalkeenii oo aan ka dhignay meel aan lagu noolaan karin

Markay ka fogaadaana waxay iska dhigaan muwaadiniin dal jecel, 

Calan yar bay xaflad ku ruxaan  kii waynaa na ogola inay hoos istaagaan.

Qof dalkiisa quursaday haybad kuma leh qof uu dalkiisa joogo.

Dhulku dambi ma leh waa dhul udgoon oo ilaahay khayraad dhigay waa anagga soomaalidaa mushkiladu.

ma taqaan waxa soomaalida ka khaldan?
Aragtidayda

Waa qanaacada in lagu qanco wixii alle kuu gartay.

Dalkaaga ku qanac
dhalashadaad ku qanac.
xabada canjeelada ah ku qanac.
cudur iyo caafimaad ku qanac.

Alle ugu mahadi wuxuu kuu qoondeeyay, hubaal wuu ku siyaadin.

Dadka ku nool galbeedka kuwa ugu xafidan maalintii waxay dambaabaan 79 jeer kuwa kalena 99.9 boqolkiiba.

Indhahaagu haday ku dhacaan
naag qaawan, doofaar qalan, dukaan kkamaar iyo khamri
Ey labisan oo afka laga dhunkanayo kuligood waa dambi.

indhaha isku qabsada  gawaaridana iska ilaaliya suurta gal noqon mayso. 

Ciyaalkii baadi bay bay noqdeen kuwa badbaadayna, ayagana caruurtoodaa target ah.

Dalkiina ku midooba, been kuu sheegi maayo gaajo ma taal.

"Democrats" dalka way naga rari fiisihii way furi, gabdhihii muxaafidka ahaa way dhunkan maalinta dhalashadooda.

Donald Trump 
waa nin muxaafidka gaalada been u sheegay oo ku yiri adinkaa laydin dhalan rogayaa xaqiiqna ma aha.

Waa faa'iido noo wanaagsan inuu dalkiisa noo diido fiisaha naga xiro, dadkiisana nagu diro oo waliba si cad noogu sheego inuu muslinka neceb yahay.

Nin la heli karo ma'ahayn waligayna ma arag gaal ka wanaagsan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qof calooshiisa dhargan ayaa tahay. Dad ayaa qoraxda ku dishay xirooyinkaas aan kuu sheegay tan iyo sagaashameyadii. Reerahooda soo biilan lahaa hadduu qof u baxo.

Haye, adiga goormaa noqoneysaa oo Khaliijka aad cabitaanka macaan ku cabeysid oo aad joogtid aan u maleeyo ka tagi doontaa?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.