Sign in to follow this  
nuune

Dumarkii Casrigan oo Dulloobay

Recommended Posts

nuune   

it is only a response to RAGGI QARNIGOO QURMAY... topic by abbaayo Nasteexo

 

Dareenkii bay beeleen.

Daryeel iyo damac la’aan bay salaqsadaan

Daruuraha iyo hawada bay ka doorbideen dilacyada janneed

Danta guud dammiinimo bay dulloofteen

Dhadhankii baa katagay afarta dhinac ka eega

Damqanayoo daalimiin miyaan dhahnaa

Duraabkii silica dabeel bay raacdeen

Da’doodu ma darmato darbaalkiina iska xoore

Darmaan malahan dhabarkii baa bararay

Darbi joog iyo jiif dan la’aan bay dudaan

Dhaxalkii raga bay dhaceen dhaqaala la’aan bay na dileen

Dayaxii baa ka calaacalay oo durqaabay

Duuleemoo si dayyib ah umaysan darmeelin

Dabaashoo doontii lagaddoontay

Didnay oo dabbaalleey noqdeen

Danabkii xiddiga ahaa baa ka daalay

Dadoow dumarkii dulloobeen daryeelna doonimaayaan

Dahab bay isku dubaaqeen dalax la’aanna way diiqeen

Dakartay qabaan ma dareemaan

Damac naga ma galoo dudnay oo duducnay

Duq ma mooddid middooda siddeetanka dartay

Diffaacooda edebta iyo anshaxa ahaa ka dude

Durbaan bay tumaan afar iyo labaantanka qaaxood

Dullooboo doontii bay kadhaceen

Damqannay oo kanaxnay aafadu maxay ahaayeen

Dunidii bay qasseen ilbaxnimo bay moodeen

Dabagaab bay gashteeen qalbigii baa kogay

Daqsi wax madhaamaan danbigooda ilaah hadhaafee

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Sir bay wax kuwadaan

Sanad kasta silac bay noo galeen

Sinnaan iyo saluqnimo ayaa ka soo hartay

Sabeen uqal ama ku xir saluug bay ku badalaan

Sabir malahan saxan saxada roobka bay silaaqeen

Suxulkoodi baa baaba’ay bilaayada mina aaryada ah

Saarkii bay xadaan afuufoow ha galee

Sidii sanam bay indhaha taagaan

Sagaaro tuug ah wax madhaamaan

Saqdhexe habeenkii bay gaatamaan

Suxuur goor ay tahay bay qaraabtaan

Subaxnimo diiqu ciyyin bay kallahaan

Sankii bay duleesteen sidii neef xoola ah

Soonkii dhannaa bay saanbuus la’aan nagu dileen

Silac bay noo dileen ilaah ha u danbi dhaaffee

Sokortii bay qariir ku dhameeyeen maxaaba soo hari

Salidii bay nau badiyeen salkii baa nalagu dhagay

Suqaar faankuulo ah bay na siyaan

Subax kasta sakaraatul mawt anagoo ah baan sariirta aalnaa

Sidaas iyo si kadaran bay noo galeen

Sir naagood sal gaari weennay

Safaleeti wax lamoodo bay sinta ku xirtaan

Subxaanyo weeyaan kana daran sawir ahaan

Silsilad iyo saacad issii bay sicirkii ku barariyeen

Sidaan u eegeennay baan sanam noqonnay

Soomaalaay soo baxa oo suuqqa ka eega kabiito canbuulooyinka

Suurkii baa ku ciyay

Saaffi ma mooddid

SubxaannAllaah sharkooda ilaah hanaga duwo

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Bassar xumadoodi bay bilcaan ismoodeen

Boob bay qalbigooda gashteen aafadu

Baalaleey baa dhaanto lafta baarkeeda

Boorameey tumaan sidii baarqabyaal

Beerkii bay banneesteen sidii boqorad

Biloow aadmi ma mooddid is badale mar hore

Barrito halagaaro uurtii baa u buuxdo

Bilkasta rag baabi’iisa bay ka hadlaan

Baryaha ayey walaaqaan sidii lax bugle qabta

Been bay nagu wadaan allow noo gargaar

Boodboodkii baa ka battay bismillaahiyee

Baayac bay nala galen inayna boosandheera nagu ridin

Ballan malahan sidii banooniga bay baqbaqaan

Barrigii baa loo joogi waayey baddiina ku dare

Baariyaal ma ahan birqabato bay noo dhigaan

Baridii wanka bay liqaan bagash bay xirtaan

Beesa la’aan bay na dhigeen bunkii bay naga goosteen

Bilis xaawaleey ma moodid way bagaasheen

Boqol baad siini bakayle kaadidiis bay kuugu badali

Baaritaan baan ku billoownay illaa ay boogo naga soo baxaan

Bishii bilaabataba baaba’ bay nagu dileen

Bikoorad ladhacnay sidii baranbaro camal bay indhaha taagaan

Buuq bay naga badiyeen oo bucnay manoolin

Boqor allow naga badbaadi sharkooda adaa abuurayee

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

and here is the last bit,sorry for the interruption!!!!!!!!

 

Gacanta bay naq naq kasiiyaan

Goosihii bay gulaab gashteen gafkii baa kabattay

Gacal baan moodnay oo gacanta ayaan gashannay

Ganac bay noo dileen gafuurkii bay najabiyeen

Googol iyo gar mayaqaanaan gubbad gaaban bay naga dhigeen

God(hog) dheer bay nagurideen iyo guraabka dameereed

Galleey goosuhu ku gooyn bay nagu koriyaan

Galab kasta gadasho been ah bay nagu wadaan

Galooladii bay nagu daayeen iyo garab damqada

Gocon bay bay noo dhigeen ilaah gafkooda hadhaafee

Garab galkooda iyo taageerahooda baa goobba naga keentay

Ganafkii bay nagu duuqeen dulqaad daraadiis

Geel baan siisan jirnoo dollar geed ladhaho bay dhaheen hanu gatta

Goormaad iguursan ama aad igulaabi bay raaxada nagaga qaadeen

Guntiinadii bay nagu gaffuuleen illaa ay gacantii na go’day

Goorgarad bay xooreen gab gubaal bay ku badasheen

Goonnadii bay iska xayyuubiyeen xin iyo maser daraadiis

Go’aankoodi baa wax aan geel aheen noqday

Goor walba way na hakraan dulqaad baa ilaah nagu manneestay

Gagab iyo qaffaal bay nagu dileen

Garanuug la mood markay sir qabaan

Gaadiidka gifaalka ah gacan maka geestaan

Guuldarra bay ka keenaan galkii bay xooreen

Go’doon bay nagu baryiileen galabta casarade

Goobaha(not goobbaha) lagama waayo ayagoo gaa gaaban-

Galuufsanoo gaduudan sidii goodir

Galladdii aan ufalnay qaaxa iyo urug bay noogu badaleen

Gaad gaatan bay ku noiolyihiin gab-gab weeyaan waxooda

Gar gaaroow Alloow gallad adaa mudanee u gargaar waa daciifee

Share this post


Link to post
Share on other sites

nuune lol yoh props walllahi i read the whole thing man thats great thanks for getting back at nasteexo man

i was scared when i read hers but i feel safe now that we got a fellah rival :D

good job mann lol peace

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

I found the first part of this so called Jacburis by me more that 10+ years ago on the Facebook of someone else, someone was in fact on Google searching for something, and they copied this stuff from SOL to their Facebook walls without even mentioning SOL, or myself, they put their name under that and said, Written by whoever it was.

 

Now, how do we protect whatever we put on SOL, that is another topic!

 

 

I admit I was higher on khat, that afternoon I had Dhajjis and Dabamusbaar type of Khat with me, even though I was angered by Nasteexo post in somehow.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Blessed   

LOL@ "Damac naga ma galoo dudnay oo duducnay". Waa halkaad jinka kala jaan qaaday, sow maaha? Haha.

 

P.s my device tells me that I am too young to visit Nasteexas post. Bal adba!

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^ hehehe the Jinni part, huuno Nateexo post waa too extra rated, and that post doesn't open up for many, at least I am able to browse her post, I don't think anyone else can say they can click or read her post, car wakaas qofkii dhahaa waan akhriyey that post halkan ha ku soo dhajiyo sharad baan siini, sharadku waa as usual qooleey kaadideed(sharaaab ka macaan ma jiro)

 

 

Oba, barigaan waxan qorayey you were ONLY 13 years of age

 

 

Duceysane, waa Jacbur, jacbur-jacbur dhaley, magaca buraanbur haka dilin, for as Buraanbur has miisaan and qaafiyad to follow, whereas Jacbur is more like just plain Jabur.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Did you tried clicking it, what happened, many nomads responded to her post, Jamaal even got angry, but everryone with laughter waxey soo qortey, it was pure classic somehow but also crazy and naughty.

 

I can make the Jinni un-liq the post if desired, but bakhshiish bey i warsani Jinku, again, anaa dhammeen karo waxaas if it is not more than half a million of lacagtooda(I don't have exchange rate for human currency though),

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this