Sign in to follow this  
Deeq A.

Culimada Soomaaliyeed oo jawaab ka bixiyey gefkii Macron ee Islaamka soona jeediyey hal arrin

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Culimada Soomaaliyeed ayaa si weyn caro uga muujiyay hadalka madaxweyana Faransiiska, Emmanuel Macron, kaddib dhacdadii lagu dilay macalinkii u dhashay dalkaas oo ardeydiisa tusay sawir gacmeed uu sheegay inuu ka sameeyay Nebi Muxamed NNKH.

Hey’adda culimada Soomaaliyeed oo kulan ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa dhaleeceyn u jeedisay madaxweynaha Faransiiska. Waxayna soo jeediyeen in Faransiiska lagula hadlo luuqad ay fahmayaan oo ah in xiriirka loo jaro.

“Culimada soomaaliyeed iyagoo gudanaya waajibaadka ka saaran ilaalinta diinta Islaamka iyo danaha Muslimiinta, waxay dhaleecenayaan hadalka iyo mowqifka madaxweynaha Faransiiska,” ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah guddoomiyaha hey’adda culimada Soomaaliyeed oo akhrinayay bayaanka ka soo baxay shirka.

Sheekh Cabduqaadir Sheekh Maxamed Soomow oo ah afhayeenka hey’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in Macron ‘uu dhaawac u geystay diinta Islaamka, isla markaana dagaalka toos ah ku qaadayo Muslimiinta.’

“Wuxuu go’aansaday in dagaal toos ah ku qaado diinta Islaamka iyo dadkeeda, Nebiga NNKH in sharaftiisa wax laga sheego waa duullaan cad oo lagu qaaday diinta Islaamka, waa duullaan lagu qaaday dhammaan Islaamka” ayuu yiri Sheekh Soomow.

Sheekh Soomow ayaa sidoo kale sheegay inay soo dhaweynayaan go’aanka qaar ka mid ah dalalka Carabta ay ka soo saareen arrintan. “Dalalka diiday waxyaabaha uu soo saaro Faransiiska waan u hambalyeyneynaa.”

Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in “dacaayadaha cunsurinimada iyo Islaam naceybka ah ay adeegsadaan qaar ka mid ah siyaasiyiinta reer galbeedka, si ay u xoojiyaan danahooda siyaasadeed.”

“Khaladaadka ay galayaan cunsuriyiinta reer galbeedka ayaa hadda noqday dacaayad olole siyaasadeed ah. Macron waxyaabaha hadda ugu waaweyn ee u kalifay difaaca taasaa waxaa ka mid ah in Islaamka ceydiisa lagu galo olole siyaasadeed, wax shaqeyn karana ma ahan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Guud ahaan shucuubta dunida Islaamka ayaa aad uga carootay hadalka Macron, waxayna dalalka Islaamku joojiyeen badeecadihii uga imaan jiray Faransiiska, iyadoo ciqaab looga dhigayo gefka uu diinta suuban ee Islaamka u geystay madaxweynahooda.

Meelo ka mid ah Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Burco ee Somaliland waxaa maanta ka dhacay banaanbaxyo looga soo hor jeedo gefka uu Faransiisku kula kacay Nebi Muxamad NNKH.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee Soomaaliya ay berri ka dhacaan banaanbaxyo waaweyn oo ka dhan ah gefka madaxweynaha Faransiiska Emanuel Macron.

The post Culimada Soomaaliyeed oo jawaab ka bixiyey gefkii Macron ee Islaamka soona jeediyey hal arrin first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this