Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo xukun ku riday rag lagu eedeeyay Shabaab iyo Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee shanta gobol Bari, Sanaag, Hayland, Karkaar iyo Gardafuu ayaa maanta xukuno isugu jira dil iyo xabsi ku riday 3 nin oo lagu eedeeyay Shabaab iyo Daacish.

Aadan Maxamed Xasan iyo Abshir Maxamed Candiraxmaan Tooshle oo lagu eedeeyay inay geysteen dilal kala duwan ayaa lagu riday xukun dil ah, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee shanta gobol, Ibraahim Bile Maxamed.

PhotoCollage_20201026_214916198.jpg?resiAadan (bidix), Tooshle iyo M. Shiniyow

Aadan Maxamed Xasan oo ah 28 sano jir ah ku dhashay Wajeer Kenya, ayaa xeer ilaalinta maxkamadda ku eedeysay inuu Al-shabaab ku biiray 2015, kadibna 2017 u waraagay Daacish, markii dambana lagu qabtay magaalada Boosaaso.

Sidoo kale eedeysane Abshir Maxamed Candiraxmaan Tooshle oo ah 47 sano jir ku dhashay Qandala ayaa lagu eedeeyay inuu Aadan ku soo dhaweeyay magalada Boosaaso.

Tooshle ayaa la sheegay inuu markii hore ka tirsanaa Al-shabaab, 2013-kiina la qabtay isagoo wada xaaska hoggaamiyaha Daacish-ta Soomaaliya Cabdiqaadir Muumun, balse la siidaayay, kadibna u wareegay Daacish.

Dhanka kale maxkmadda ayaa 20 sano oo xabsi ah ku riday Maxamuud Shiniyow Cali oo lagu eedeeyay Al-shabaab.

Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa sheegtay in 3-da eedeysane muddo 30 cisho gudahood ah u furan yahay racfaan.

PUNTLAND POST


The post Puntland oo xukun ku riday rag lagu eedeeyay Shabaab iyo Daacish appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this