Sign in to follow this  
Deeq A.

Israel oo haddiyad yaab leh Sudan ugu beddeshay xiriirka ay la yeelatay

Recommended Posts

Deeq A.   

Khartoum (Caasimada Online) – Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa lagu sheegay inay Sudan u direyso qamadi qiimahiisa lagu sheegay shan milyan oo dollar.

Dowladda Sudan ayaa isku diyaarineysa iney dib usoo celiso xiriirkii diblomaasi ee kala dhaxeeyay xukuumadda Israel, waxeyna ka mid noqotay tiro waddamo ah oo ka tirsan ururka Jaamacadda Carabta oo aqbalay xiriirka Yahuudda.

Wafdi ka socda labada waddan ayaa kulmi doona dhawaa,n sida war qoraal ah lagu shaaciyay todobaadkii lasoo dhaafay, waxeyna arintaan kusoo aadeysaa xilli Sudan ay wajaheyso cunno yari baahsan.

Warka qoraalka ah ee kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu waxaa lagu sheegay inay xukuumaddiisa ka qeyb qaadaneyso isbadalka cusub ee Sudan.

Dowladda Sudan waxey aqbashay xiriir ay la sameyso Israel iyadoo ku badalaneysa in laga saaro liiska wadamada argagixisada maalgaliya oo ay Mareykanka horay ugu dareen.

Donald Trump ayaana sidii uu ballan qaaday ka saaraya, sidoo kalana lacago ugu deeqaya dowladda Suudaan oo ka hoos baxday xukunkii militariga oo uu hogaaminayay Cumar Xasan Al-Bashiir.

The post Israel oo haddiyad yaab leh Sudan ugu beddeshay xiriirka ay la yeelatay first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this