Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxii Shirkadda Amal Oo Lagu Dilay Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Weerar galabta dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta ku-meel gaadhka ah ee Jubaland ayaa lagu dilay maamulihii xarunta shirkadda Amal ee Kismaayo Cabdullaahi Cabdisalaan Shigshigow.

Weerarka lagu dilay Cabdullaahi ayaa waxaa fuliyey rag ku hubeysnaa bastoolado, wuxuuna ka dhacay xaafadda Calanley, gaar ahaa inta u dhaxeysa shirkadda Amal iyo Masaajid uu kasoo baxay maamulaha, sida ay sheegeen goobjoogeyaal.

Ragga dilka gaystay ayaa la sheegay inay ku baxsadeen gaadhi nooca raaxada ah oo ay wateen.

Ma cadda sababta loo dilay Cabdullaahi Shigshigow, mana jirto weli cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan. Hase yeeshee xog aan helnay ayaa sheegeysa inuu waday mashruuc ay Amal maal-gelineyso oo goobo ganacsi lagaga hir-gelinayo Warshaddii hore ee Galleyda ee Kismaayo.

Ciidamo ka tirsan booliska Magaalada Kismaayo ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka sameeyay howlgal aan wax natiijo ah kasoo bixin oo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this