Sign in to follow this  
Deeq A.

Dood ka taagan habka uu Axmed Madoobe u qeybiyey xubnaha guddiyada doorashada heer federal

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Muran xoog leh ayaa ka taagan habka beelaha loogu qeybiyey Kuraasta Guddiga Doorashooyinka Heer Qaran qeybta kusoo aaday maamul goboleedka Jubbaland.

Wadar ahaan, maamulka Jubbaland waxaa kusoo aaday afar kursi, oo laba kursi oo ka mid ah ay yihiin Guddiga Doorashooyinka Heer Federal, halka labada kursi ee kale ay yihiin Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Qaranka.

HADDABA HABKEE LOO QEYBIYEY KURAASTAAN?

Labada kursi ee Guddiga Doorashooyinka heer federal ee maamul goboleedka Jubbaland ayaa waxaa la siiyey beesha Ogaadeen oo hal kursi ah iyo beesha Mareexaan oo hal kursi ah, halka labada kursi ee Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka la siiyey Ogaadeen hal kursi iyo Digil iyo Mirifle/Jareer.

Qaar ka mid ah beelaha dega Jubbaland ayaana walaac ka muujiyeen qaabka loo qeybiyey kuraastaan afarta ah, oo aan waafaqsaneyn hannaanka 4.5.

Beelaha Gaaljecel, Carwomale iyo Shiikhaal, oo ka wada tirsan beesha Mogadishu Clan, ayaa ku dhaliilay maamulka sarre ee Jubbaland habka aan caddaaladda aheyn ee ay beelaha ugu qeybiyeen kuraastaan.

Sidoo kale, waxay seddaxdaan Beelood ku eedeeyeen maamulka Jubbaland inay si cad isaga indha-tireen qoondadii haweenku ku lahaayeen kuraastaan maadaama afarta kursi rag lagu soo qoray.

Seddaxda beel ee aan magacooda kor kusoo xusnay ayaa ka cawday sida looga qadiyey kuraastaan, oo ay xaq u lahaayeen inay qoondadooda ka helaan, sidoo kalena Ururrada Haweenku waxay ka cabanayaan in qoondadii Haweenka uusan meel saarin maamulka Madaxweyne Axmed Maxamed Islam.

The post Dood ka taagan habka uu Axmed Madoobe u qeybiyey xubnaha guddiyada doorashada heer federal first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this