gooni

Snm Axmed dheere Halyay Qaran

Recommended Posts

gooni   

Haduu dalkiisa cadawga ka celin lahaa maalintii loo dhiibay diyaarad afar saaruukh wadadata, maanta wiil yar oo Shaah ku cadaystay xoor buluug ah dhulkiisa hooyo lagama masaafuriyeen.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   
6 hours ago, Miskiin-Macruuf-Aqiyaar said:

s0227.gif s0227.gif

Intuu deganyahay hadda?

Wuxuu sheegay inuu ku nool yahay Luxembourg oo berigaas loo qaaday ilaa iyo hada.

Waxay ku abaal mariyeen sacab daciif ah iyo ayagoo ciyaalka ka codsaday inay funaanadaha ku sawirtaan, si ay cuqdada ugusii kobciyaan.

Haday daacad u yihiin waxay ku dhihi lahaayeen.

Buurta sheekh agteeda guri aan kaaga dhisno, gabar ilko casna aan ku siino abaalkaaga snm ma gudi kartee, waa haduu qoriga xabad gelin karo oo aysan da' hayn.

Su'aal kasta oo la waydiiyay duuliyaha waxaa ka dhalanaysay su'aal kale, laakiin snm ma doonayso in mashruuca laga shakiyo.

tusaale
Wuxuu sheegay in meelaha loo cayimay inuu duqeeyo lasoo tusay asagoo diyaarad kale saaran.

meelaha maxaa ku jiray nooma sheegin, ma jabhadaa ku jirtay? ma suuq yaanyada lagu gado bay ahayd? ma guryo shacab bay ahayd? ma wada xasuuq baa lagu yiri?

Waxaan ku qiyaasay markaan fiiriyay hadalkiisa asagoo buufis u qaba inuu yurub iska dhiibo in diyaaradii cilad baqdin galisay ku timid dhanka cimilada, sidaasna uu sheekadii ugu badalay tacaaduf iyo qalbi furnaan.

Siyaad barre allaha u naxariisto dadka wuu iska cantoobsan jiray macnaha qabiil  uma kala saari jirin.

Haduu dadka kala saari lahaa midkaanoo kale duuliye qaran ma noqdeen lo'duu maakaalka kusiin lahaa jawhar iyo aadan yabaal dhexdooda.

Wuxuu ag fadhiyaa casaabad gooni goosad ah waxay arkaana waxay ugu neceb yihiin calankii buluugga ahaa oo wax soo baray inuu difaacana xaqa ugu yeeshay.

Muu waydiiyo haduu fiyowyahay siyaad barre kaligii taliye aan ka wada adkaanay buu ahaa ee walaalayaal maxaad ku nacdeen midabka buluugga ah iyo calanka soomaaliya?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.