Sign in to follow this  
Deeq A.

Fannaanaddii  Saynab Xaaji Cali “Baxsan” oo geeriyootay

Recommended Posts

Deeq A.   

baxsangeri.jpg

Alle ha u naxariisto, waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyootay fannaanaddii qaranka Saynab Xaaji Cali “Baxsan” oo ka mid aahyd fannaaniinta ugu caansan dalka.

Baxsan ayaa ka mid ahayd fannaaniinta dalka aan ka bixin tan iyo bur-burkii dalka, waxaana lagu xasuusataa heesaha guubaabada ah ee ay ku dhiirri-gelin jirtay ciidanka xoogga dalka.

Magaalada Muqdisho ayay ku xanuunsanayd dhawaanaahan, iyadoona sannadkii hore mar u aaday dalka Turkiga arrimo caafimaad.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid fannaanadda, waxaana uu ehelkeeda iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerideeda.

“Waxaan qoyskeeda iyo  ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida fannaanaddii Qaran Saynab Xaaji Cali (Baxsan). AUN marxuumad  Baxsan waxa ay kaalin weyn ka soo qaadatay xornimadii Dalka,dhismaha qarankeenna iyo nooleynta dhaqankeenna. Jannadii Firdows Allaha geeyo  samir iyo iimaanna Allaha naga wada siiyo” , ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this