Ramaas

Somali fishermen massacred by Taiwanese boats (Warning, disturbing images)

Recommended Posts

Ramaas   

Two Filipino deckhands have come forward to say they witnessed the killings. 

One of them, Maximo, said that as many as 10 or 15 people could have been killed, adding that they did not appear to be pirates. 

'It was wrong, people getting shot. But there was nothing I could do about it,' he said, according to a report by Ian Urbina of The Outlaw Ocean Project, written for Yahoo News. 

Maximo and another deckhand, Aldrin, later told a private investigator that the Ping Shin had received a radio alert about pirates in the area.

The Ping Shin had three armed guards and there had been similar confrontations in the past which led to suspected 'pirates' being killed, the witnesses said.  

Another former sailor on the Ping Shin said it mainly worked in Somali waters but also operated near the Seychelles.  

Greenpeace said the victims' boat appeared to be a small, wooden fishing vessel rather than 'the faster type of vessel typically used by pirates'. 

https://www.dailymail.co.uk/news/article-8848031/Chinese-captain-arrested-horrifying-video-killings.html

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ramaas   

Been ma-aha taasi, Soomaali iyadaa isku maqan.

Dawlada kasokoow, shacabku waa inay kadamqadaan dhacdadan oo kale. Dad baddoodii dhexdeeda lagu xasuuqayo, welibana si arxan daro ah, kadibna selfie laiska qaadayo. War dareenkii umada maxaa kudhacay? 

Qaar baa hadaydoonaan lasoo shaqotagaya nimankan la laayay waxay ubadantahay ineey  yihiin reer hebel ama reer hebel marka anaka waxba nagama gelin. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kabtan u dhashay dalka Shiinaha oo lagusoo oogay dacwad ku saabsan inuu amray dilka burcad badeed Soomaali ah

Dacwad oogayaasha dalka Taiwan ayaa dacwad ku soo oogay kabtan u dhashay dalka Shiinaha oo lagu haysto inuu bixiyay amar lagu dilay afar nin oo looga shakiyay inay yihiin burcad badeed Soomaali ah sideed sano ka hor.

Dilkan oo dhacay sanadkii 2012, ayaa soo shaac baxay ka dib markii la helay muuqaallo lagu duubay taleefanka gacanta oo ku saabsanaa sida ay wax u dhaceen laguna baahiyay baraha internetka.

Dacwad oogayaasha Taiwan waxay sheegeen in eedeysanaha oo dhalasho ahaan kasoo jeeda Shiinaha uu qirtay inuu amray dilka markii uu kabtanka u ahaa markabka Taiwan.

Sida ay sheegeen xeer ilaaliyaashu, Eedeesanaha ayaa sheegay in uu ku amray ilaaladiisa Pakistan in ay toogtaan afarta nin si aysan uga baxsan oo u soo abaabulin burcad-badeedda kale in ay afduubtaan markabkiisa.

Qareenada u doodaya ninkaan ayaa ku doodaya in afarta nin ee burcad badeeda ah ay ku dhinteen is rasaasayn dhexmartay iyaga iyo ilaalada markabka Taiwan.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ramaas   

Hiiraanonline waa garbage. Tabloids in other countries who write anything just to get more readers atleast show some sense of patriotism to their country of origin. With Hiiraanonline there is no patriotism and definitely no professionalism. All they do is find then copy and paste any article that has the word Somali in it. Do they not realise the articles they copy and paste might be written by non Somalis who might have their own agenda? 

To make matters worse they translate some of these articles to Somali and pass it of as fact of the day.

The amount of damage this website has done to Somalia's image is unbelievable. 

On the topic at hand. There is no evidence the men in this video who were murdered in such a cold hearted way within Somali waters were "pirates". After looking at the boat these men were on, Greenpeace said the boat did not match the fast boats used by pirates. Which can only mean these were fishermen.

In any case, who made these boats judge, jury and executioner in the middle of Somali waters? 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nin Shiinees ah oo amray dilka 4 qof oo Soomaali ah oo sanado kadib la qabtay

Xukuumada Taiwan ayaa dacwad xasaasi ah ku oogtay Kabtan u dhashay dalka Shiinaha, kaasi oo sideed sanno ka hor amray toogashada afar qof oo looga shakiyay burcad badeednimo, isla markaana ahaa Soomaali.

Kiiska dhacdadan ayaa waxa banaanka keenay muuqaalo 2014-kii laga helay Telefoon looga dhex tagay Taksi dadweyne, kaasi oo muujinayey ragga la dilay oo dul sabeynaya biyaha Badweynta Hindiya ee ka baxsan xeebaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxa muuqaalkaasi laga arki karayey qaar ka mid ah raggaasi oo xajisanaya qashin, kadib markii 40 xabadood oo rasaas ah lagu soo ridayay, iyada oo la maqli karayey Nin amar ku bixinaya toogashadaasi oo lagu sheegay inuu yahay kabtanka, sida uu baahiyay wargeyska Independent.

Wang Fengyu, oo ah Kabtanka loo haysto dhacdadan ayaa lasoo warinayaa inuu qirtay inuu amar ku bixiyay ilaaladiisa inay toogtaan raggaasi, maadama uu ku dooday inay soo weerareen

Toogashada ka hor burcad badeedda la sheegay ayaa toogtay doonida kalluumeysi ee Kabtanka iyo seddex kale, sida laga soo warinayo kabtanka.

Waxaana muddo sideed sanno kadib ah ay ciidamada Taiwan gacanta kusoo dhigeen kabtanka ku eedeysan kiiskan, xili markabkiisa uu ku xirtay dekedda Kaohsiung ee Taiwan.

Wang wuxuu wajahi doona haddii dambi lagu helo ku dhawaad xabsi 10-sano ah ama ka badan, iyada oo lagu taliyay in xukunka intaas looga khafiifiyo, maadama lasoo warinayo in burcad badeedku ay ugu horeyntii weerareen.

Arrintan ayaa hay’addaha xuquuqdu ku tilmaameen sharci darada badda ka jirta, maadama muddo 8-sanno ah aysan cadaalad helin shaqsiyaadkaasi la toogtay, iyada oo falanqeeyayaasha qaarkoodna ku macneeyen inuu kiiskan dib usoo nooleystiisu qeyb ka yahay xiisada Taiwan iyo Shiinaha.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.