Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Yaabka baraha bulshada

Recommended Posts

Cali Cabdullaahi Cosoble "Reer Hiiraanoow dhista Hirshabeelle la mid ah midda ay reer Jowhar dhisanayaan"

Madaxweynahii hore ee dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa shaaciyay dareenka uu ka qabo sida ay u socdaan howlaha doorashooyinka maamulka Hirshabelle.

Cali Cabdullaahi ayaa qoraal xasaasi ah soo dhigay bartiisa Facebook waxuu kaga hadlay sidii ay shacabka reer Hiiraan ay ugu diyaar garoobi lahayeen doorashooyinka maamul u sameynta Hirshabelle ee ka socota magaalada Jowhar in sido kale laga bilaabo magaalada  Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Cosoble ayaa si aan gambasho laheyn ugu sheegay shacabka reer Hiiraan iney dhistaan maamul u gaar ah maadama uu sheegay waxa Jowhar ka socda iney yihiin fowdo anan geed loogu soo gamban.

“Waxaan ku talinayaa howsha Jowhar ka socota mid la mid ah in Baladweyne laga bilaabo. Baarlamaanka Hirshabeelle ha la xulo, madaxweyne iyo ku xigeenna ha la doorto Baladweyne ha ku shaqeeyaan. Xaq baad u leedihiin, cid idinka hor istaagi karta ma jirto. Intaa markaad sameysaan ayey DFS, IGAD, AU iyo bulshda caalamka idin dhageysan doonaan" ayuu yiri Cali Cabdullaahi Cosoble

Hadalka madaxweynahii hore ee Hirshabelle Cali Cabdullaahi ayaa kusoo beegmaya xili shalay ay gaareen magaalada Jowhar madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle oo safarkiisa ay qeyb ka ahayeen guddoomiyeyaashii hore ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo C/fataax Xasan Afrax kuwaas oo Jowhar ka sheegay iney u joogaan sidii ay u dhisi lahayeen Hirshabelle cusub xili beelaha ay kasoo jeedaan aysan wali ku qancin hab dhismeedka Hirshabelleda cusub.

Ugu dambeyntii madaxweynahii hore ee Hirshabelle Cali Csible ayaa hadalkiisa kusoo gabagabeeyay "Qaniinyo qaniinyaa kaa fujisa, fowdana waa laga hortagaa ee lama sugo. Ma jecleyn inaan sidaan ku taliyo balse waxaa ii muuqata talo kale oo idiin furan ineysan jirin. Dhista Hirshabeelle la mid ah midda ay reer Jowhar dhisanayaan"

Shacabka ku dhaqan gobolka Hiiraan ayaa u muuqanaya iyagoo markii labaad diidan dhismaha maamulka Hirshabelle in la doonayo in markale lagu hordhiso maamulka cusub.

Xigasho

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ninka uu ka cabsi qabo inuu madaxweynaha Hiirshabeelle noqdo waa ninkaan hoose oo lagu xanto inay dowladda dhexe wadato:

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle "Jadwalkii doorasho ee guddiga farsamadda waa mid sax ah waana lagu shaqeynayaa"

 Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabelle Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad goboleedka Hirshabelle.

Cali Cabdullahi Guudlaawe oo mudooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa markii uu soo caga dhigtay garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere waxaa loo galbiyay hoyga uu ka dagan yahay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle halkaasoo uu kula hadlay Saxaafadda.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle ayaa sheegay in la joogo waqtigii la dhisi lahaa Hirshabelle cusub uuna soo dhaweynayo Jadwalkii hanaanka doorasho ee Hirshabelle ay soo bandhigeen guddiga farsamadda iyo soo xulista Baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Hirshabelle.

"Jadwalkii doorasho ee guddiga farsamadda waa mid sax ah waana lagu shaqeynayaa waana ku amaanayaa sida masuuliyada leh ay usoo diyaariyeen hanaanka doorashada Hirshabelle" ayuu yiri Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe

Waxuu sido kale Madaxweyne ku xigeenka amaan iyo bogaadin uu u jeediyay wassaaradda arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Hirshabelle oo uu sheegay iney si wanaagsan u diyaarin hayso dhismaha Hirshabelle cusub.

Safarka maanta ee Cali Cabdullahi Cuseen Guudlaawe waxaa qeyb ka ahaa guddoomiyeyaashi hore ee gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed iyo C/fataax Xasan Afrax kuwaas oo iyagana ka hadlay madashii lagu soo dhaweynayay madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegeen in la joogo waqtigii la dhisi lahaa Hirshabelle cusub.

Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in Hirshabelle markii horeba la dhisay iyadoo laga daba qeylinaayo hadana la dhisi doono oo aan cidna loo joojineyn.

Walaac badan ayaa laga muujinaya qaab dhismeedka cusub ee Hirshabelle waxaana muuqanaya qilaaf cusub oo u dhaxeeya madaxda ugu sareysa ee Hirshabelle madama madaxweynaha Hirshabelle uu horay u diiday Jadwalkii doorasho ee guddiga farsamadda madaxweyne ku xigeenkana uu maanta shaaciyay in Jadwalkaasi uu yahay mid sax ah laguna shaqeyn doono.


Xigasho

  • Thanks 1

Share this post


Link to post
Share on other sites
1 hour ago, Holac said:

I am confused on how many Hirshabels are there. Is there one in Jowhar and one in Beledweyne?

As the only region not divided any government since colonialism, Hiiraan felt unique and wanted to become its own clanistan. And I don't blame them. Mr. Cosoble is simply being honest.

It's funny seeing Mahad Salad playing the reasonable.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

federaal qabiilaysigu wuxuu ku abtirsadaa jahliyada qabiilka waana isbaaro aad u culus oo cawaaqib xun,xaqiiqdiina bahdilkuu dalka iyo dadka u gaystay waa muuqataa.

Hir-shabeele waxay doonayaan in beel kaliya ku tartanto madaxweynaha ku xigeenkana beel kale la siiyo waa lama taabtaan hanaanka federaalka.

Koonfur galbeed sidoo kale
Jubaland waa la mid
Gal-mudug iska daa warkeeda 19 shaati kuma filna.

Gudoomiyaha Gobolka banaadir waaba boqortooyo ka hadalba ma leh waa heer-mataan.

Waxaasoo habaara waxaa dhalay, walaalaheen puntland oo dadka ugu heesay ku dayo puntland.

puntland waa jufooyin qaruumo hore is muquuniyay oo xadaaradoodu fog-tahay.

jufo walba waa taqaanaa gacanta boqorka meeshay ka dhunkanayso.

Dadkeenaan soke oo xoolo dhaqato iyo beeraley isugu jirta maxaa na waalay oo federaal qabiil nagu khasbay? waa su'aal aanan jawaabteeda sugayn ilaa gumowno.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

intuu qabiil ku baryootami lahaa muu la tartamo walaalihiis kale soo ma oga inuusan qabiil hirumar cidna gaar u siinayn

dadka la dooranayo fikirkoodu waa intaas.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Odeyga baryahaan waa ka sii daray. Bahashii xumeyd la cabaaye ayuu badsaday filaa.

_________________

Maxaa ka jira in *** loo wado guddoomiyaha BF, si *** loo dhaafiyo xilka madaxweynaha?

Madaxweynihii hore ee maamulka Hir-Shabeelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook-ga waxa uu shaaciyey inuu xog ka helay qorshe doorashada soo socota ee dalka lala damacsanyahay beelaha ***.

Cosoble ayaa sheegay inuu xan ku helay in beesha uu ka dhashay ee *** la doonayo in loo sharaxo guddoomiyaha baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya, qorshahaas oo hadii uu guuleysto meesha ka saareya in *** u tartamo kursiga madaxweynaha dalka.

“Waxaa meelaha la wadaa nuxnux ah inuu *** baarlamaanka soo socda isu sharraxo oo lagu taageeri doono Guddoomiyaha BFS, taasoo looga gol leeyahay in *** laga reebo inuu noqdo madaxweynaha Soomaaliya,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cali Cabdullahi Cosoble.

Qoraalkiisa ayaa intaas ku sii daray, “Kuwa saa u fikiraya waxaan leeyahay *** kuma shaqeeyo munaafaqad mana dhaawici doono dhaqan siyaasadeedka ka jira Soomaaliya. *** wuxuu ka mid yahay beelaha waaweyn ee Soomaaliyeed lagumana adeegan karo.”

Cali Cosoble oo fariin u diray xubnaha in loo adeegsado fulinta qorshahaas ay macquulka tahay waxa uu yiri, “Xildhibaan doonka *** ee looga shakiyo iney sidaa ka suurta gashana Xawaadle kursi ma soo siin doonaan. Riwaayadaha iyo riyooyinka raqiiska ah ha la iska ilaawo intaan lagu hungoobin.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

 Beesha *** oo dooneysa in loo soo celiyo heshiis ay 4 sano kahor ka diideen Xasan Sheekh

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Beesha *** oo diidan qaabka loo marayo dhismaha dowlad gobaleedka HirShabeelle ay codsadeen in dib loo soo celiyo qorshe ay madaxweynihii hore ee Soomaaliya ka diideen afar sano ka hor.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa billowgii dhismihii HirShabeelle ka codsaday odayaasha dhaqanka iyo siyaasiinta reer Hiiraan, in ay qaataan caasimadda Hirshabeelle, sidoo kalane ay afartii sanaba mar qaataan madaxweynaha, taas oo ka dhigan in afar sano isku haystaan madaxweynaha iyo caasimadda, afarta kalane ay heestaan Madaxweyne ku xigeen iyo caasimadda.

Xilligaas beesha *** way diiday qorshaha Xasan Sheekh waxayna qaadatay madaxweynaha, halka beesha *** la siiyey caasimadda. Balse waxaa hadda soo baxday in taasi ay ku koobneyd kaliya hal muddo xileed, oo aanu macnaheedu ahayn in beesha Abgaal aysan marnaba arkin madaxweyne.

Qaar ka mid ah siyaasiinta *** ayaa sheegay in ay aheyd afar sano ka hor in go’aankaasi qaataan balse ay xoog gelin doonaan hadda in dib loo soo celiyo qorsahaas ka hor inta aan la dhisin maamulka.

In caasimadda Hirshabeelle loo celiyo Buuloburte ayaa u baahan in dastuurka maamulka wax ka badal lagu sameeyo, markii la soo dhiso baarlamaanka cusub ee HirShabeelle.

“Hadda waxay diyaar u yihiin in ay laba mid qaataan, kuwaas oo kala, ah in Caasimadii loo soo celiyo, iyo in aysan caasimad-na helin madaxweynane sanadkaan helin,” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha dhaqanka HirShabeelle oo aan la hadalnay.

Ma cadda haddii Villa Somalia oo gadaal ka riixeysa Cali Guudlaawe oo ah musharax madaxweyne oo kasoo jeeda beesha ***l, ay ogolaan doonto qorshaha cusub ee beesha ***.

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda dedaalo xal loogu raadinayo cabashada ku saabsan dhismaha dowlad gobaleedka Hirshabeelle, waxaana la filayaa in dhowaan uu si rasmi ah uga shaqa billaawo wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya, marka baarlamanka ansixiyo.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.