gooni

villa-kismayo v villa-muqdisho

Recommended Posts

gooni   

Waxaa dhacday hada ka hor, ninbaa gaarigii uu watay taayar uga baxay isbitaalka dadka waalan lagu hayo hortiisa.

Markuu arkay taayirkii oo banaanka yaala, afartii burqina ka lumeen yuu talo waayay iyo meel uu wax ka bilaabo.

Nin dadkii waalan ka mida yaa ku yiri maku caawiyaa walaal?

Markaasuu ku yiri maxaad ii qaban kartaa adigaaba xanuunsane?

wuxuu ku yiri ii dhiib baanada ama burqi furaha, ka dibna wuxuu sadexdii taayar oo kale ka furay  hal burqi kiiba oo ku xiray taayarkii banaanka yaalay.

halkaas waxaa kasoo baxay afar taayar oo kiiba sadex burqi ku shaqayn kara.

wuxuu ku yiri maxaa isbitaalka laguu keenay haday maskaxdaadu sidaa u wanaagsan tahay?

wuxuu ugu jawaabay waan xanuunsanahay lakiin doqon maahi.

waa qiso dhex nartay villa kismaayo iyo villa muqdisho.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

Oday gooni,

Miyaad works noo balbalaadhisid.

Ninkan sirtii qaranka oo dhan gacanta ku haya ee Farmaajo kala talinayey arrimahan culus ma la taliyaha madaxweynaha ayuu ahaan jiray mise taliyihii nabad sugida.

Siday ku dhici kartaa in olole (Operation) sirdoonka qaranka amd ka gobolka banaadir fulinayo , ninkan loo sheego oo uu ogaado kalana hadlo madaxweynaha?

Ma dagaalki Villa Kismaayo ayaa halkan galay?

Haddiise kan oo kale sir qaran ogyahay madaxweynahana ka ag dhawyahay, Somalia dawladeeda qashin baa ka buuxa.

Warka cadee gudoomiye Gooni.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Dr. Galbeedi
Aragtidayda midkaan markaan qiyaasay hadalkiisa farmaajo wuxuu u jirsaday ilaa 20 mitter meel xafladu ka jirtay waxaana u badinayaa xafladii calan saarka.

farqiga u dhaxeeya siyaad barre iyo farmaajo waxaa weeye.

Mr.barre, markuu dhintay ka dib yaa la helay mujaahidiin badan kuwa dhirbaaxay kuwo biyo ku shubay kuwo miiska uga kacay iwm.

farmaajo asagoo nool yaa qalinkii lagu qabsaday oo la dharbaaxay oo la handaday waxa wax ku haystana waa dadkaa aad u jeedo, mid firinbi loosoo dhiibo mid ilmaha shan jirkaa la caqli ah kuwa kaloo kasii daran.

Asagu ma hadlo cidna uma jawaabo, waa runtiis iyo waa beentiis midna dhihi maayo.

Ninka la waraysanayo waa inta kaliya oo uu garanayo inaysan dhacayn.

Waxa difaacaya farmaajo waa jinni aan garan waayay cidda maal gelisa mucaaradkii oo dhana hadalkii iyo garashadii ka lumisay.

War kaloon cadaeeyo ma hayo walaalo, adigu xaalkaagu soo ma fiicna?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.