Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Eebbe ha u raxmado Cali Khaliif Galeyr

Recommended Posts

Waa war deg deg breaking news ah:

DEG DEG: Cali Khaliif Galayr oo geeriyooday

cali-khaliif-galayr.jpg

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galaydh ayaa goordhow ku geeriyooday magaalada Jigjiga, sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya.

Warkan ayaa lagu sheegay qoraal kooban oo uu barta twitter-ka soo dhigay afhayeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar. Wax faah-faahin oo intaas dheer lagama bixin geeriday Dr. Cali Khaliif Galaydh.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in Cali Khaliif Galaydh uu u geeriyoday xanuun kusoo booday xilii uu joogay magaalada Jigjiga ee xarunta gobolka Soomaalida Ethiopia.

Cali Khaliif Galaydh ayaa noqday ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey ee dalka kadib burburkii, markaasi oo uu magacaabay madaxweynihii dowladdii ku-meel gaarka ahayd Cabdiqaasim Salaad Xasan, sanaddii 2000.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cali Khaliif Galaydh oo geeriyooday – Taariikhdiisa oo kooban

Rabbi ha u naxariistee waxaa magaalada Jigjiga ku geeriyoodey Cali Khaliif Galaydh oo horey Soomaaliya uga soo noqdey Raysalwasaare iyo weliba Xildhibaan.

Cali Khaliif oo ahaa 78 jir ayaa maalmihii u danbeyey xanuunsanaa, waxaana uu ku sugnaa magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, ka hor inta aan la geyn Jigjiga, laba maalmood ka hor.

Geerida Cali Khaliif Galaydh waxaa warbaainta u xaqiijiyey Wasiir ku xigeenka Madaxtooyada ismaamulka Soomaalida Cumar Warfaa.

Cali Khaliif Galaydh ayaa sanadkii 2000 loo magacaabey Raysalwasaaraha Soomaaliya , dowladdii lagu dhisey Carta dalka Jabuuti, waxaana uu xilkaas hayey muddo laba sano ku dhaw.

Waxa uu siyaasadda mar kale dib ugu soo noqdey sanadkii 2012 markaas oo uu ka mid noqdey Baarlamaankii u horeeyey ee dalka gudihiisa lagu dhiso, waxaana uu u tartamey Xilka guddoomiyaha Baarlamaanka taas oo looga guuleystey.

Cali Khaliif ayaa u soo wareegay deegaanada gobolka Sool, waxaana uu asaasey maamulkii Khaatumo oo uu ka noqdey Madaxwdeyne, kadib dagaalo badan oo dhex marey Somaliland iyo Khaatumo waxa uu u wareegay dhanka Somaliland oo uu muddo ka war sugaayey sidii loo heli lahaa wax uu ugu yeeri jirey Somaliland la wada lee yahay.

Cali Khaliif Galaydh waxa uu ahaa aqoonyahan waxaana uu wax ku bartey jaamacado ku yaala dalka Maraykanka sidoo kale waxa uu ka mid ahaa asaasayaashii machadyadii (SIPA) iyo SIDAM oo oo kasoo shaqeeyey, sanadkii 1974 waxa uu ahaa Agaasimihii wershaddii sonkorta ee Jowhar.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

AUN. Probably a heart attack. In some situation, it doesn't help when you are travelling a place that doesn't have modern hospitals to check you out.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tallaabo   

Alle ha u naxariisto marxuunka. Hargeisa and the rest of the Somali territories really need some more basic health care facilities. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cowke ayee hore u sumeeyeen lagu heystay Xabashada after his sudden death in 2015 in Jigjiga. Sangub sidaasoo kale sanadkii hore. Maantana tan.

I also remember Soomaali war veterans of 1977, many of them generals and colonels, mysteriously being shot to death in 2000s when Xabashi occupation soldiers were present in many Soomaali cities and town.

_________________

War cusub oo kasoo baxaya sababta geerida Cali Khaliif – Maxaa ka jira in la dilay?

Cali Khaliif Galeyr oo ra’isul wasaare kasoo noqday Soomaaliya ayaa isagoo 78-jir ah ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee caasimadda ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Sida ay shaaciyeen masuuliyiin ka tirsan xukuumada dowlad deegaanka Cali Khaliif Galeyr wuxuu u dhintay xanuunka Covid19. Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Mukhtaar Yuusuf ayaa shaaciyay inay arrintaas ku ogaadeen baaritaan ay sameeyeen.

Hase yeeshee waxaa hadda soo baxaya warar taas ka duwan. Cadaani Hirmooge oo ah hogaamiyaha ururka ONLF ayaa sheegay in Cali Khaliif Galeyr la sumeeyay islamarkaana jirkiisa uu isbadalay.

“Odayga cunto ayaa lagu sumeeyay baal la yiri – wuu shubmay, wuu matagay, qandho ayaa qabatay, jirkiisana wuu isbadalay, jimcadii beyna bilaabatay howshaan,” ayuu yiri hogaamiyaha.

Ma jirto cid madax banaan oo xaqiijin karta sababta rasmiga ah ee ka dambeysa geerida Cali Khaliif Galeyr, mana jiraan baaritaan la dalbaday oo la sameynayo.

Dowladda Soomaaliya waxey magacowday guddi qaban-qaabinaya aaska qaran ee Cali Khaliif, balse ma jirto wax baaritaano ah oo ay ku dhawaaqeen si loo ogaado sababta uu u geeriyooday.

Dadka siyaasadda falanqeeya waxey maleynayaan iney jirtay cadaawad hore oo kala dhaxeysay Itoobiya maadaama uu sanadkii 2000 ciidamada Itoobiya ka saaray Gedo oo ay ku sugnaayeen muddo afar sano ah.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

When I heard  the death of (Allah Ha u Naxariiste) Cali Khaliif , I thought : what is going on in that God forsaken City of Jigjiga. 

For the last few years, many notable and famous Somalis had died suddenly without long illness. Ahmed H. Cawke, Dauud Ali Maxaf, Sangub and now Cali Khaliif comes to mind.   When I was there two years ago, the only place people go for change of scenery and entertainment was a hotel and restaurant owned by a Tigay guy. All the ruling class was there. 

On the issue of Somaliland, Cali Khaliif was the only man with load microphone in Hargeisa. He was not carrying a gun, but his constant denouncing of the system was threat to both Muuse Biixi and the Garaad community members of cabinet.

It was true that both Galayr and Samater were denied to visit Borama in 2019. He was the only real opposition in Hargeisa. They wanted him to leave got good, but he refused.

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.