Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Another marqaan hanjabid

Recommended Posts

Another hanjabaad after a long session marqaamid from Feysal Dhurwaa.

Faysal Cali Waraabe oo hanjabaad yaab leh oo QM la xiriirta u jeediyey Soomaaliya

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa si adag uga jawaabay hadal dhawaan kasoo yeeray madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo, kaasi oo la xiriiray ictiraaf raadinta Somaliland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhawaan dood uu ka qeyb-galay, kaga jawaabay su’aalo laga weydiiyey Somaliland, isagoona sheegay in Somaliland oo muddo dheer raadineysay Aqoonsi, aysan heli doonin, maadama ay kamid tahay dhulweynaha Soomaaliya.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Somaliland aysan ictiraaf uga baahneyn maamulka taagta daran ee Xamar, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuuna ku tilmaamay hadalka Farmaajo, mid aan loo meel dayin oo macno buuran aan sameynayn oo nasiib darro ah, maadama uu sifo aan sax aheyn uu ku fuulay xilka u sarreeya dalka.

“Yarka Farmaajo ee sida qaladka ah ku yimid Muqdisho ayaa yidhi Somaliland la ictiraafi maayo isagoo ku xumaynaya, waa Nasiib-darro Waayo? Somaliland Ictiraaf kama baryayso Farmaajo,” ayuu yiri.

Wuxuuna intaas kusii daray “Markii dagaalku socday adeerkii (Siyaad Barre) ayaa odhan jiray Midnimo midnimo, waanu ka xoog badnaa, haddana waynagaa ka qaadnay dalkeenii, Somaliland Gacanta ayaanu ku dhignay, Dhiig iyo Dhidid ayaanu u hurnay Gacanta ayaanu ku haynaa, adeerkaa wuxuu waxba nagaga qaadi waayay diyaarado, Calooshood u shaqaystayaal uu keensaday, Bambooyin buu nala dhacay, laakiin Banaan cad baanu marinay, Adiguna kalmad aad ka soo tidhaahdo Xamar oo aad qoxooti ku tahay oo aad berri ka tagaysid waxba ka soo qaadi mayno.”

Faysal ayaa waxa kale oo ku hanjabay in kursiga Soomaaliya ee Qaramada Midoobey inay meesha ka saari doonaan oo ay kala wareegi doonaan, wallow uusan faah-faahin badan ka bixin. (Shiinaha muu ismoodaa sida ay Taiwan ku sameeyeen?)

Wuxuuna sheegay inay Somaliland dadaal badan ku bixineyso sidii ay ula wareegi laheyd Kursigaasi, maadama ay tahay dal madax-banaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Kursiga aad ku fadhidaan khalad weeye, waayo? waynu wada dalbanay (Kursiga Qaramada Midoobay), laba dal baa dalbaday, dalna wuu jiraa midna ma jiro, dalkii aan jirin baa la siiyey kursigii, laakiin waanu ka daba tagaynaa,” ayuu yiri.

Wuxuuna intaas kusii daray “Sidii Taiwan looga saaray Qaramada Midoobay, waxaanu ballan ku qaadnay inaanu Qaramada Midoobay idiinka saarno oo aydaan fadhiisan. Waxba Af nagaga qaadi maysid, waxba nagaga qaadi maysid Facebook iyo Ciyaal lacag la siiyo.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this