Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Jaajuus difaacaayo Kiikuuyada

Recommended Posts

Maxee dad Soomaali isku sheeg Soomaali ku soo hareen. Neefkaan hoose ayaa difaacaayo shisheeye ku xasuuqay deegaanka Ceelwaaq Soomaali aan waxba galabsan.

______________________

Jubbaland oo ciidanka Kenya ka leexisay dadkii Gedo lagu laayey, si kalena u rogtay

 Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur JANAN ayaa ka hadlay falkii dhawaan lagu dhibaateeyay dad shacab ah oo dagan gobolka Gedo, wuxuuna shaki galiyay iney ciidamada Kenya ka dambeeyaan dhibta dhacday.

Wasiirka oo la hadlayay warbaahinta wuxuu sheegay in laga yaabo Ciidamada Kenya oo ka careysan dhibaato loo geystay ay shacabka dhib u geysteen.

“Waxaa ognahay in ciidamo Kenya qarax loo dhigay uu kasoo gaaray khasaare naf iyo maalba leh. Dabcan ciidamadiina waxay sameeyeen falcelin waxayna dhibaato ugeysteen dadkii aaga ka dhawaa,”

Cabdirashiid Janan wuxuu ka qeyb yahay guddiga loo xilsaaray dhacdadii ka dhacday Ceelwaaq, wuxuuna sheegay iney hubinayaan wixii dhacay ka hor inta aysan wax tallaabo ah qaadin.

Janan wuxuu sheegay iney ciidamada Kenya kala xisaabtamayaan wixii ay geysteen, balse ay ogyahiin in Al-Shabaab ay dhibaato u geystaan ciidamada Kenya taasna ay ka dhaln karto falcelin ay shacabka ku dhibtoodaan.

Dadka shacabka ah ee degan Gedo wali waxey wadaan dibad-baxyo ay kaga soo horjeedaan dhibaatada loo geysanayo.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dadka shacabka ah inay is-dajiyaan, islamarkaana ay ka war-sugayaan baarista ay haatan wadaaan ka guddi ahaan.

Xigasho

  • Thanks 1

Share this post


Link to post
Share on other sites

DF Soomaaliya oo ciidamo hor leh geysay xadka (beenaadka) ay la wadaagto Kenya

4-7-696x464-1.jpg

Dowladda federaalka ayaa markale ciidamo hor leh u dirtay gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo saacadihii la soo dhaafay ka dagay garoonka diyaaradaha degmada Duulow ee gobolkaasi.

Ciidamadan oo ka tirsan kuwa kumaandooska Gorgor ee sida gaarka ah u tababaran ayaa waxaa garoonka Doolow ku soo dhoweeyey saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa nabad-sugida ee ka howl-gala gobolka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadaasi ay ku wajahan yihiin xuduud beenaadka Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan degmooyinka Beledxaawo iyo Ceelwaaq.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadaas ay ku biiri doonaan kuwa dowladda ee horey u joogay labaasi magaallo.

Dhowaan ayey aheyd markii ciidamo ka tirsan kuwa dowladda la geeyey xadka Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan degmada Beledxaawo.

Si kastaba ha’ahaatee arrimahan ayaa ku soo aadayo, iyadoo bishii la soo dhaafay is-rasaaseyn kooban ay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya ku dhexmartay xuduuda labada dal, taas oo digniin iyo hanjabaad ay kasoo saartay Kenya.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.